4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Xaflad lagu soo dhaweynayay Duqa Boosaaso oo lagu Qabtay Gobolka Arizona, USA (SAWIRRO)
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa Magaalada Boosaaso, ayaa ka dhacday Gobalka Arizona ee Mareykanka, Waxaana Munaasabaddan ka qayb-galay mas'uuliyiin ka kala socday Qaybaha kala duwan ee bulshada gobalka Arizona iyo xubno ka socotay Uruurada Bulshada.

Xafladdan ayaa waxaa dhanka kale Goob-joog ka ahaa (Somalia American United council), waxaa lagu soo beegay  socdaallo fara badan oo uu Duqa Bosaaso, yaasiin Mire Maxmed uu ku marayay waayihii dambe dalka Mareykanka, taasoo la xiriirta mataaneynta Boosaaso iyo Minneapolis oo dhawantan Gobolka Minnesota ka dhacday.

Ugu horreyntii, Waxaa hadallo ka jeediyay Munaasabaddan Mas'uuliyiin sare oo ay ka mid ahayeen; Jen. Maxamed Cali Sharman sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidankii Cirka Dowladdii Dhaxe ee Somalia iyo Prof, Maxamed Abuukar Cali - oo ahaa Madaxii Mashruuca Beeraha Dowladdii Dhaxe ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Somali American United council.

 “Mudanayaal iyo marwooyin, salaan kaddib, waxaan rabaa inaan soo dhaweeyo maayarka Boosaaso, Yaasiin Mire iyo wafdigiisa, waxaana farxad noo ah in caawa aan halkan kusoo dhaweyneyno mas'uuliyiinta ka socda dalkii Hooyo sida ay naga mudan yahiin haddii aan nahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Arizona waxaa nalagu yaqaan soo dhaweynta iyo bogadinta madaxda Dalka marka ay nasoo booqdaan,” ayuu yiri Prof. Maxamed Abuukar.

Sidoo kale, Waxaa hadalka qaatay Madaxadii Qaban-qaabadda xafladdaan soo dhaweynta ahayd oo ugu mahad-celilyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Arizona sida Mas’uuliyadda leh ee loosoo qaban-qabiyay munasaabadda.

Duqa Boosaaso, Yaasiin Mire oo ka hadlay xafladdaan lagu soo dhaweyay, ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay socdalka uu ku joogo Dalka Mareykanka iyo Xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

Ugu dambeyn, Yaasiir Mire ayaa xusay in dalku uu ku jiro marxalado kala duwan kuwaasoo ay sababeen dagaalladii sokeeye iyo xaladaha bini'adamnimo ee ka jirta dalka, balse waxaan la dagaalameynaa Gaajada, Shaqo la’aanta Dhallinyarada iyo Argaxgaxisada oo duullaan ku ah Qaybaha kala duwan ee dalkeennu uu ka kooban yahay. Isagoo Qurbo-joogta ugu baaqay inay ka qayb-qaadato xasilinta Somalia.

Abdulrahman D. Nur
[email protected]
Phoenix, Gobolka Arizona