4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Nairobi Kenya: Rabshado ka taagan xaafada Islii

Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Rabshado ayaa maanta ka taagan xaafada Islii kadib markii dukaanleydu ka cawdeen warato suuqa ku cariirya iyo arimo kale.

Goobihii ganacsiga ayaa weli xiran inkastoo maanta uu dhammaaday 3 maalmood oo shaqo joojin ah oo dukaanleydu ku dhaqaaqday. Shalay ayaa waxaa mudaaharaad bilaabay waratada kadib markii askar lasoo daadiyay ayna burburiyeen miisaskii waratada.

Wali waa uu sii socdaa mudaaharaadka waratadu wadaan haatana waxay waddooyinka Islii isku hortaagan yihiin booliska oo damacsan inay kala eryaan.

Sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa boolis lug ku socda, kuwo gawaari saaran iyo kuwo fardo saaran ay ku ridayaan waratada mudaharaadka wada si ay u kala eryaan.

Suuqa xaafada Islii ee Nairobi Kenya ayaa maanta waxaa lagu waday in mar kale dib loo furo kadib saddexdii maalmood ee shaqo joojinta ahayd ee dukaanleydu ku dhaqaaqeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ee 3da ahaa ee shalay Jimcihii ugu dambeysay ayaa suuqu xirnaa gaar ahaan dukaamada kadib markii ay dukaanleydu cabasho ka muujiyeen in waratadu hortooda alaabada dhigtaan, isku wax ay gadaan ayna suuq la'aan iyo ciriiri intaba u keenaan.

Waxaa sidoo kale dukaanleydu cabasho ka keeneen dhac muddooyinkii u dambeeyay soo batay iyo gawaarida basaska ah ee loo yaqaano matatu(s) oo jidadka si aan munaasab ahayn loo dhigo isla markaana xira ama ciriiriga qeyb ka noqda.

Waxay kaloo ka cawdeen in wasaqda iyo qashinku kusoo bateen suuqa iyo guud ahaan xaafada dawlada khadamaadka ay siiso xaafada ama adeegyada ay bixisana ay aad u yar yihiin sida qashin uruurinta walow dakhli badani dawlada halkaa uga soo xaroodo.

Lama hubo weli in mawqif rasmi ah laga gaari doono arinka ama xal oo suuqa la furi doono ama in weli shaqo joojintii dukaanleydu sii socon doonto iyo weliba in waratadu aqbali doonto inay meelo kale ku ganacsadaan inta ka tagaan dukaamada hortooda.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Xaafada Islii
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]