4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2016
12-sano jir u Dhashay Indonesia oo Waxbarasho Sharafeed ka Helay Jaamacadda Waterloo ee dalka Canada

/images/2016/Sept/
Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Diki Suryaatmadja oo ah wiil 12-sano jir ah una dhashay dalka Indenosia ayaa noqon doona ardaygii ugu da’da yaraa ee ku  biira Jaamacadda Waterloo ee Canada ,waxaana arintan loo arkaa guul-ay yartahay sida lagu gaaro.

Xiisadaha Jaamacadda ayaa waxaa ay bilaaban doonaan bilowga bishan Septembar  ,iyada oo qof walba uu iska fahmi karo in Suryaatmadja uu yahay ardaygii ugu da’ a yaraa ee Jaamacaddan Waterloo ay aqbasho.

“ Aad baan u xamaasaday-sanahay ,balse xoogaa ayaan ka wal-walsanahay is-badalka dhaqanka ee halkan “ ayuu yiri Suryaattmadja oo si xowli ah horumar uga sameeyeeyay waxbarashadiisi dugsiga hoose iyo sare ee dalkiisi hooyo.

Suryaatmadja ayaa baran doona maadooyinka Kimistriga, viisigiska, Dhaqaalaha iyo waliba xisaabta ,waana boos sharafeed ay jaamacadda bixiso sanadaha qaar ,waxaana horaantii asbuucan uu soo gaaray Canada si uu waqti ugu qaato gurigiisa cusub.

“Dadka dalkani aad ayey u naxariis badan-yihiin ,waana dad akhlaaq leh oo la isku halayn karo “ ayuu mar kale yiri  ardaygan oo ku tilmaamay fursad-dan in ay tahay mid qaali ah oo uu ka faa’idaysan doono.

Xiliga barafka oo hadda lagu jiro ayaa xoogaa wal-wal ah ku haya ,waxaana uu rajaynayaa in uu barto kushineetada barafka lagu ciyaaro ,isaga oo sheegay in barafka uu ka hor-istaagayo madadaalooyin badan oo uu ku samayn lahaa banaanka hore ee gurigiiisa.

Maamulka jaamacadda  ayaa sheegay in ay kala shaqayn doonaan ardaygan sidii uu fikir fiican uga heli lahaa fahamka bulshada iyo waliba tan Jaamacadda ,iyada oo la siin doono macluumaad badan oo ku saabsan dalkan.

“Waxaan doonaynaa in aan hubin-no sidii uu wax badan oga ogaan lahaa is-dhex-galka bulshada ,waxaana ay u tahay khibrad si lamid ah  ardayda kale , runtii waa arday aqoon ahaan diyaarsan ,marka laga soo tago in uu  yar-yahay” ayuu yiri Andre Jardin oo caawiye diiwaan-galinta ardayda ah ka ah Jaamacadda Waterloo.

Afar sano ayey ku qaadan doontaa in uu ka qalin-jabiyo jaamacadda waliba isaga oo aan gaarin da’da dadka loogu ogolaado in ay baabur ku kaxeeyaan ,waxaana jira qorshayaal horyaala oo dhanka noloshiisa  ah.

Ugu danbayn, Suryaatmadja ayaa doonayaa in uu hirgaliyo mashruuc tamarta ah oo qiima jaban ku kacaya, marka uu dhameeyo Jaamacadda ,waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu adduunka wax ka badalo.

Faysal M. Hassan
[email protected]