DANJIRE AFEY: Shirka Jowhar ee lagu dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe Gooni uma wadato IGAD
Sabti, September 03, 2016
(HOL) — Ergayga IGAD ee Somalia, Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka hadlay hannaanka
maamulka loogu dhisayo Gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe, isagoo xusay
inaysan jirin cid lagu qasbayo inay shirkaas ka qaybgasho.
Danjire Maxamed Afeey ayaa hadalka
ku daray in muddo labo bilood ah ku jireen dhismaha maamulka labada gobol, kaddib
markii uu hakad-galay, Wuxuuna dowladda FS ka codsaday inay fududeyso
shirka lagu dhisayo maamulka labada gobol.
“Shirka Dhismaha maamulka Hiiraan
iyo Shabeellada Dhexe ee Magaalada Jowhar lagu qabanayo ma aha mid ay IGAD wadato
oo dan gooni ah ay ka leedahay, balse shacabka ku cool labada gobol ayaa wata
iyaga ayayna dan ugu jirtaa, annaga ka IGAD ahaan waxaa gacan ka geysanaynaa
sidii shirkaas loo fududeyn lahaa oo keli ah,” ayuu yiri Danjire Afeey oo la
hadlayaya BBC-da.
Sidoo kale, Ergayga ayaa
xusay in muddo saddex jeer ah uu u tagay Beledweyne sidii loo dhameyn lahaa tabashada
ay qabaan odayaasha dhaqanka Reer Hiiraan ee uu hoggaaminayay Ugaas Xasan Ugaas
Khaliif, isagoo xusay in uu Aaminsan yahay in wax kasta wadahadal lagu dhameyn
karo.
“Odayaasha uu Ugaas Xasan hormuudka
u yahay, waxay na-weydiisteen in Hiiraan labo gobol laga dhigo, Arrintaasna Dastuur
ahaan wax IGAD ay shaqo leedahay ma aha, wax kasta oo Soomaali ku heshiin karto
waa wadahadal, odayaashana waxaa ugu baaqnay inay wadahadalka kusoo biiraan,” ayuu
mar kale yiri Afeey.
Ergayga IGAD ee Somalia ayaa
ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee Reer Hiiraan in aysan caqabad ku noqon wada-hadalka
labada shacab, wuxuuna Xusay in haddii ay diidaan aysan jirin cid qasbi karta.
Ugu dambeyn, Hadalka danjire
Afey ayaa kusoo beegmaya iyadoo Shalay Baladweyne uu ka dhacay dibadbax
looga soo horjeedo dowladda Federaalka ah iyo Ururka IGAD, ayna sidoo kale
odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay Afeey dusha uga tuureen eedeymo kala
duwan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya