4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
SAWIRO: Dalladda SOYDEN oo Tababar u soo xirtay xubno ka kala socday Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu soo xiray tababar 10 maalmood u socday, kaasoo ay ka qaybgaleen xubno ka kala socday degmooyinka Mahaddaay iyo
Maxaas oo ka kala tirsan Gobolladda Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo Degmooyinka Jalalaq iyo Buule-burte tababarro kale loogu qabtay.

Mashruucan oo lopgu magacdaray QURACA NABADA ama tiiraanyo-bixin ayaa waxaa waday mudooyinkaan dambe Dalladda SOYDEN oo doonaysa in marka hore dib u heshiisiin loo maro dhinaca tiiraanyo bixinta, si loo gaaro Nabad iyo Is-cafin; maadama Somalia ay ka dhaceen dagaallo muddo dheer socday, kaasoo saameyn ku yeeshey dhinaca dabaceedaha dadka, fikirka iyo aragtida, waxaana tababarkaan casharro ka bixinayay macalimiin ka tirsan - Dalladda Somali Youth Developments (SOYDEN Oo kala ah Macalin Aadan iyo Macalin Caddow

Guddoomiyaha SOYDEN, Cismaan Tahliil oo aan wax ka waydiinnay ujeedka loogu qabtay tababarkan gobollada Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe ayaa ku jawaabay. “Gobolladaas waxaa ka dhacay dagaalo badan, kuwaasoo aameyn ku yeeshay wax soo saarkii gobolladaas, ujeedkeenuna waa inay dadka nabad ku noolaadaan si ay horumar u gaaraan.”

Isagoo sii hadlaya ayuu raaciyay. “Dadka halkaan  lagu Tababaray 10-ka Casho waxay qaadanayeen casharo la xirira sidii ay sku daaweyn lahaayeen, dadkana u daaweyn lahaayeen. Sidaa darteed marka ay ku laabtaan deegaannadooda waxay tababarayaan dadkooda si dib u heshiisiinta u noqoto mid taaba gasha lana jabiyo wareegga colaadda si loo dhameeyo colaadaha joogtada noqqday.”

Dhanka kale, Kooxdii tababarku u dhamaaday waxaa la siiyay Buugaan iyo Qalab kale oo u sahlaya inay u fududaato dib-u-heshiisiinta iyo tiiraanyo bixinta sidoo kale waxaa ka qayb-galayaasha halkaas lagu guddoonsiiyay shahaadooyin Aqoonsi u ah tababrka ay qaateen.

Ugu dambeyn, Tababarkan oo ahaa wajigii labaad ayaa waxaa ka horeeyay mid loo qabatey degmooyinka Jowhar, Baled weyne, War sheekh, Cadale, Balacad iyo Matabaan oo ka kala tirsan gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo xubnihii loo tababaray ay deegaanadooda weli  ka wadaan Howshii loo igmadey oo ahayd in ay dadka dib u heswhiisiin iyo is-cafin dhex-dhigaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya