4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Suuqa Xaafada Islii ee Nairobi Kenya oo maanta lagu wado in dib loo furo

Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Suuqa xaafada Islii ee Nairobi Kenya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in mar kale dib loo furo kadib saddex maalmood oo shaqo joojin ah oo dukaanleydu ku dhaqaaqeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ee 3da ahaa ee shaly Jimcihii ugu dambeysay ayaa suuqu xirnaa gaar ahaan dukaamada kadib markii ay dukaanleydu cabasho ka muujiyeen in waratadu hortooda alaabada dhigtaan, isku wax ay gadaan ayna suuq la'aan iyo ciriiri intaba u keenaan.

Waxaa sidoo kale dukaanleydu cabasho ka keeneen dhac muddooyinkii u dambeeyay soo batay iyo gawaarida basaska ah ee loo yaqaano matatu(s) oo jidadka si aan munaasab ahayn loo dhigo isla markana xira ama ciriiriga qeyb ka noqda.

Waxay kaloo ka cawdeen in wasaqda iyo qashinku kusoo bateen suuqa iyo guud ahaan xaafada dawlada khadamaadka ay siiso xaafada ama adeegyada ay bixisana ay aad u yar yihiin sida qashin uruurinta walow dakhli badani dawlada halkaa uga soo xaroodo.

Lama hubo weli in mawqif rasmi ah laga gaari doono arinka ama xal oo suuqa la furi doono ama in weli shaqo joojintii dukaanleydu sii socon doonto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Xaafada Islii
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]