4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Qaxooti la celin lahaa oo ku xayiran Dhadhaab

Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Qaxooti la celin lahaa oo xero ku meel gaar ah lagu xareeyay ayaa ku go'doonsan Dhagaxley oo ka tirsan Dhadhaab.

Arinkaa ayaa yimid kadib markii dadkaasi la qorsheeyay in Soomaaliya loo celiyo balse dawlad goboleedka Jubaland ay sheegtay in aan la keenin qaxootigaa Jubaland ama Soomaaliya inteeda kale ilaa amar dambe.

Waxay Jubaland hase ahaatee sheegtay in la doonayo in si fiican looga baaraan dago masiirkooda qaxootigaa ka hor inta aanan lasoo celin.

Qaxootigaa ayaa warbaahinta u sheegay inay ku dhibban yihiin halka sida kumeel gaar ah loogu hayo maadaama aysan khadamaat kale iyo xataa musqulo lahayn guryahoodiina ay soo xaraasheen.

2 maalmood ka hore, UNHCR iyo dawlad goboleedka Jubaland ayaa heshiis ku meel gaar ah ka gaaray soo celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xerayaha Dhadhaab.

Heshiiskaa ayaa labada darafi ay ku kala saxiixdeen maagaalada Kismaayo ee Jubaland Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in intii horay loo soo celiyay maahee qaxooti kale aanan la keenin Jubaland ilaa amar dambe ilaa nolol wanaagsan looga aslaaxinaayo qaxootiga lasoo celinaayo gudaha Jubaland iyo xataa qeybaha kale ee Soomaaliya.

Qaxootigii la celiyay oo dawlada Jubaland ay sheegtay inay weli ku dhibban yihiin meelihii la geeyay maalmihii lasoo dhaafayna ay arinkaa ka cabanaysay ayaa waxaa labada daraf haatan ay ku heshiiyeen in UNHCR ay saacido ayana.

Dad kumanaan ah oo laga celiyay Dhadhaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay mar Jubaland ay diiday in daakhilka lasoo galiyo arimahaa jira aawadood ku xiyirnaa Dhoobley oo dhacda xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya inkastoo markii dambe loo ogolaaday inay sii galaan qeybaha kale ee Jubaland.

Haatan waa ay aqbashay Jubaland in ay gudaha usoo dhaadhacaan bishardi in la caawiyo kuwo kale oo aan arimahooda iyo noloshooda aad looga fakarina aanan lagu soo darin!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]