4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo eedeyn kulul u jeediyay IGAD iyo DF Somalia (SAWIRO)
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Kulanka oo ahaa mid ballaaran oo ay kasoo qeyb-galeen, Siyaasiyiin, Odayaal-dhaqameed, Waxgarad iyo qaybaha bulshada ku nool Beledweyne, ayaa waxaa ka hadlay Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo eedeyn weyn u jeediyay Danjiraha IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey,

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa dubabkii dhaqanka ka hadlay kulanka ayaa si kulul u weeraray danjire Afeyn, isaga oo ka digay in dhismaha maamulka la sheegay in la soo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Dhanka kale Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka dhawaajiyay inuu jiro khilaaf soo dhax-galay Mas'uuliyiinta ugu sarreeya Dowladda Federaalka Somalia isagoo tusaale u soo qaatay RW-re Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke oo shalay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Wuxuuna dhinaca kale farriin u daray Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte.

Shirka jaraa'id oo ahaa mid dhinacyo badan Taabanayay ayaa ugu horreyntii waxaa ka hadlay Afhayeenka Duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan oo faah-faahin ka bixiyay wadda hadalladii adkaa ee marar badan arinta laga yeeshay natiijadii ka soo baxday.

Ugu dambeyn, Duubabka dhaqanka iyo waxgaradkii kulanka ka qeyb-galay ayaa wadajir uga digay Cawaaqibka ka dhalan kara Sida ay sheegeen Maamul ay bulshada raalli ka aheyn oo la dhiso, gaar ahaan Ugaas Xassan ayaa beesha caalamka ugu baaqay in aysan dhaqaale ku bixin shirka magaalada Jowhar

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya