4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Danjiraha Somalia ee Tanzania oo laga guddoomay Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo (SAWIRRO)
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Danjiraha Cusub ee Somalia ee Tanzania, Maxamed Xasan Cabdi iyo ku xigeenkiisa, ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Tanzania, C/qaadir Maxamuud Yuusuf, ayaa dhawaan kulan ka qaatay madaxweynaha waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli, wuxuuna ka guddoomay Warqadihii aqoonsiga danjirenimo.

Madaxweynaha Dalka Tanzania iyo Danjiraha cusub ee Somalia ee dalkaas ayaa kulankooda kaga hadlay xiriirka labada waddan iyo sidii Xukuumadda Dalkaas ay gacan ugu siin lahayd danjiraha cusub Gudashada shaqadiisa inta uu Danjiraha yahay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan ku siin doono safiirka iyo ku xigeenkiisa gudasha Waajibkooda shaqo, isagoo bogaadiyay horumarka ay Somalia xilligaan ku socoto, kaddib dagaallo sokeeye oo muddo dheer socday.

Dhanka kale, safiirka Somalia ee Tanzania iyo ku xigeenkiisa ayaa salaan sharaf ka qaatay guutooyin ka tirsan ciidamada bambeyda dalka Tanzania, waxaana xarunta madaxtooyada loogu soo dhaweeyay si maamuus leh.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxay dalka Tanzania ku leedahay dhisme safaarad iyo mid ay dagaan danjiraha, qunsulka iyo shaqaalaha safaaradda, waxaana uu ka badbaaday dhismahan burburkii ku dhacay Safaarado kale oo Somalia ay Dalal ka tirsan caalamka ku lahayd.

Ibrahim Baafo, Hiiraan, Online
[email protected]
Melbourne, Australia