Mareykanka oo Liiska Argagaxisada ku daray Sheekh C/qaadir Muumin oo ka tirsan Ururka Daacish
Khamiis, September 01, 2016
(HOL) — Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa liiska xubnaha argagixisada ah
ee sida gaarka ah loo beegsanayo ku dartay Sheekh C/qaadir Muumin oo dhawaan ku
biiray kooxda Daacish, kana dagaallanta Soomaaliya.
Saraakiil u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in uu dhigayo amar uu soo saaray
Madaxweyne Obama in la cunno-qabateyn lagu soo rogo shaqsiyaadka iyo
kooxaha loo arko inay halis ku yihiin amaanka waddanka Mareykanka.
Wuxuu Sh. C/qaadir Muumin madax
u yahay koox Somali ah oo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ku biirtay ururka Daacish,
kuwaasoo saldhiggoodu yahay Puntland, inkastoo Sheekhaan uu horay uga tirsanaa
Al-shabaab.
Mareykanka ayaa sheegay in
la xayirayo hantida Mareykanka u taalla, sidoo kalena uusan ka ganacsan karin
gudaha Mareykanka, iyagoo wadaadkan ku eedeeyay inuu ballaariyay unug argagixiso
ah ayna afduubaan wiilal yar-yar oo da’doodu u 10 - 15 sano ay u dhexeyso, kuna
qasbay inay u dagaalamaan kooxdooda.
Ugu dambeyn, Sheekh C/qaadir
Muumin ayaa noqonaya ruuxii ugu horreeyay oo ah Soomaali xiriir la leh ururka
ISIS/Daacish oo Xukuumadda Mareykanku ay ku darto Liiska Xubnaha la baadi-goobayo,
inkastoo Mareykanka uu horay liiska Argagixisada ugu daray xubno ka tirsan Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya