4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Dagaalo ka dhacay gobolka Sanaag

Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL)-Dagaalo ayaa ka dhacay Gobolka Sanaag shalay ilaa xalay sida dad deegaan ah ay u sheegeen warbaahinta.

Dad dagaan ah ayaa warbaahinta usheegay in dagaal u dhexeeyay labo beelood oo wada daga deegaan 60km u jira Ceel Afweyn ay ku dhinteen ilaa 3 qof. 10 qof oo kale ayaa xiisadahaa colaadeed ku dhaawacmay.

Bil ka hor mar labadaa beelood ay dagaalameen sidaan oo kale waxaa la dilay 3 qof ilaa dhowr iyo toban qof oo kalena waa la dhaawacay.

Gabbal dhacii shalay ayaa si kadis ah mar kale dagaalku u bilowday. In dhawaaleba waxaa la waday dhexdhexaadin lagu joojinaayo colaada waxaana maamulka deegaankaa ama gobolka Sanaag uu ugu baaqay labada daraf inay dagaalka joojiyaan oo nabadda qaataan.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay ku baxeen halka dagaalku ka dhcay si ay u kala dhex galaan labada beelood ee walaalaha ah ee halkaa ku dagaalamaya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]