4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Qaxooti lagu celiyay Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay xeryaha Dhadhaab

Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL)-In ka badan 20 kun oo qaxootiga Dhadhaab ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay lagu celiyay Soomaaliya.

Sanadkaan kaliya dhowr kun oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsanaa ayaa la geeyay meelo kala duwan oo Soomaaliya ah gaar ahaan Jubada Hoose, Xamar, Luuq iyo Gobolka Baay. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka tirsan qaxootigii ayaa haatan dib ugu soo laabtay xeryaha Dhadhaab.

Dadaalkaan ayaa qeyb ka ahaa heshiis saddex geesood ahaa oo 2013 ay kala saxiixdeen Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR kaasoo si tartiib tartiib ah la damacsan yahay in qaxootiga hadba qaar lagu celiyo.

Si kastaba ha ahaatee xaalada Soomaaliya oo aan si saami ah u caga dhigan amni ahaan iyo dhaqaale ahaan ayaa walaac masuuliyiin badan ay ka muujiyeen.

Qaar ka tirsanaa qaxootigii lagu celiyay Soomaaliyana dib ayayba usoo laabteen oo waxay kasoo cid galeen Dhadhaab mar kale sababo la xiriira ammaanka!

Kooxo hubeysan ayay dhexda u galaan in badan oo qaxootigaas ah kuwaasoo doonaya inay kala jiitaan qaxootiga lasoo celinaayo oo ay kala taageeraan.

Sidoo kale ayaa waxaa jira warar sheegaya in qaxooti la celiyay la dhacay oo wixii ay sahay wateen dabley ay ka dhacday.

Labo maalmood ka hor, dawlad goboleedka Jubaland ayaa kasoo horjeesatay soo celinta qaxootiga Dhadhaab lagu soo celinaayo qaarkood Jubaland.

Qaxooti badan oo laga qaaday Dhadhaab waxay ku xayirmeen Dhoobley oo kutaala xadka Kenya iyo Soomaaliya kana tirsan Jubaland kadib markii warkaasi soo baxay.

Waziirka arimaha gudaha ee Jubaland, Maxamed Darwiish ayaa sheegay in dawlada Kenya iyo UNHCR ay meeshaa un soo dhoobeen qaxootiga ayagoon samayn wax hab ah oo dib u dajineed oo munaasab ah.

'Meel bannaan ah ayaa qaxootiga lagu daadshay. Xaaladaa kuma heyn karno. Magaaladeena ugu weyn ee Kismaayo waxaa ka buuxa qaxooti lasoo ceshay. Waxaanu door bidnay inaan ku heyno xarumo kumeel gaar ah oo xadka kuyaala ilaa xaaladu soo hagaagto'. Sidaa ayuu yiri waziirku.

Wuxuu intaa ku daray inay nolol wanaagsan qaxootigu ku heysteen Dhadhaab  laakiin hada aysan waxba heleyn.

Wuxuu kaloo sheegay in dawlada Jubaland ay ka walaacsan tahay in dad dhallinyaro ah oo badan oo lasoo celiyay oo barakacsan inay soo kordhin karaan halis ammaan darro oo weyn.  

UNHCR iyo dawlada Kenya ayaa hadba qaar celiya qaxootiga Dhadhaab waxaana UNHCR sheegtaa in dhammaan qaxootiga la celinaayo ay si iskood ah u dalbadeen in dalkooda Soomaaliya loo celiyo.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]