3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Wareysi: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbland

 













Click here
9/3/2016 1:01 PM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Xaflad uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyihii hore ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar, ayaa maanta lagu Qabtay Hoteelka Jaziira ee Muqdisho, taasoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin ka kala socotay Baarlamaanka Federaalka, Safiirro, Bulshada Rayidka ah, Aqoon-yahano iyo Mas’uuliyiinta Jaamacaddaha Dalka.

9/3/2016 12:16 PM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Harare ee Xarunta Dalkaas, kaddib markii ay soo baxeen warar xan ah oo sheegayay inuu xanuun daran qabtay oo uu gargaar caafimaad u aaday magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta. kaddibna uu halkaas ku geeriyooday.

9/3/2016 11:52 AM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta wada-galay shir saddex goosood ah oo ay isugu yimaadeen Gudigga Doorashada, Xisbiyada Qaranka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan lix goobood oo ku yaalla waqooyiga Hargeysa oo goboladda qaarkood ku muransan yihiin cidda ay raacayaan ama hoos tagayaan.

9/3/2016 11:38 AM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Xaflad Qalin-jabin ah ayaa loogu sameeyay Muqdisho tiro ka badan - 533-ardey oo dhameysatay Waxbarashadii Jaamacadda Somali International University (SIU), waxaana ka Qayb-galay xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, mas’uuliyiin ka socday Jaamacado ku yaala Ugnada iyo Kenya, waalidiin iyo ardaydii qalin-jabisay.

9/3/2016 8:02 AM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay bixisay qarashkii ay ugu Talo-galeen Doorashooyinka lagu wado in ay Dalka Ka dhacaan Sannadkan lagu jiro daba-yaaqadiisa.

9/3/2016 7:47 AM EST
Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL) -Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay nabaddii iyo kala danbeyntii uu dalka lahaa, ayadoo bulshada Soomaaliyeed ay u kala hayaantay daafaha caalamka, kagadaal markii nabadgelyada dalka ay noqotay mid aad u qatar badan.

9/3/2016 7:46 AM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa Magalada Boosaaso, ayaa ka dhacday Gobalka Arizona ee Mareykanka, waxaana munaasabadda ka qayb-galay mas'uuliyiin ka kala socday Qaybaha kala duwan ee bulshada gobalka Arizona iyo xubno ka socotay Uruurada Bulshada.

9/3/2016 7:24 AM EST
Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Rabshado ayaa maanta ka taagan xaafada Islii kadib markii dukaanleydu ka cawdeen warato suuqa ku cariirya iyo arimo kale.

9/3/2016 7:19 AM EST
Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Diki Suryaatmadja oo ah wiil 12-sano jir ah una dhashay dalka Indenosia ayaa noqon doona ardaygii ugu da’da yaraa ee ku biira Jaamacadda Waterloo ee Canada ,waxaana arintan loo arkaa guul-ay yartahay sida lagu gaaro.

9/3/2016 4:04 AM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Ergayga IGAD ee Somalia, Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka hadlay hannaanka maamulka loogu dhisayo Gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe, isagoo xusay inaysan jirin cid lagu qasbayo inay shirkaas ka qaybgasho.

9/3/2016 3:42 AM EST
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu soo xiray tababar 10 maalmood u socday, kaasoo ay ka qaybgaleen xubno ka kala socday degmooyinka Mahaddaay iyo Maxaas oo ka kala tirsan Gobolladda Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo Degmooyinka Jalalaq iyo Buule-burte tababarro kale loogu qabtay.

9/3/2016 1:55 AM EST
Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Suuqa xaafada Islii ee Nairobi Kenya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in mar kale dib loo furo kadib saddex maalmood oo shaqo joojin ah oo dukaanleydu ku dhaqaaqeen.

9/3/2016 1:32 AM EST
Sabti, Sitember 03, 2016 (HOL)-Qaxooti la celin lahaa oo xero ku meel gaar ah lagu xareeyay ayaa ku go'doonsan Dhagaxley oo ka tirsan Dhadhaab.