4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
DAAWO SAWIRADA: Sida looga Ciiday Maanta Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan
Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Degmada Buula-burte oo ah Magaalada labaad ee ugu ballaaran gobolka Hiiraan ayaa maanta dadka ku dhaqan waxaa ay si weyn ugu dabaal -dageen munaasabada ciidul -adxaa, si la mid ah deegaannada kale ee Soomaalida.

Boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid Xaafadaha ay Degmada ka kooban tahay, ayaa waxaa salaadii ciidda ku oogay Masjidka ugu ballaaran Degmada Buula-burte, kuwaa salaada kaddib ka dhageystay culumaa’udiinka khubado Diini ah oo la xiriira farxada maalinta ciidda iyo sida loogu baahan yahay in ay dadku isku naxariistaan.

Magaalada oo muddo dheer go'doon ugu jirtay Xoogagga Al-shabaab, ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa arintaa iyada ah, oo waxaa dib u soo laabtay dhaq-dhaqaaqi ganacsiga iyo guud ahaan nolashadii dadweynaha ku dhaqan degmada, waxaana hadda si toos ah u taga duulimaadyada isaga goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Salaadda kaddib, ayay dadweynuhu la hadleen warbaahinta iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin sida ay uga soo kabanayaan Dhibaatooyinkii kala duwanaa ee soo maray degmadaas ku dhawaad Toddobo sanno saldhig muhiim ah u aheyd xoogagga Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Munaasabada Ciidda ayaa siddoo kale siweyn looga dabaal-dagay inta badan deegaannada bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya