4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
Magaalada Bosaaso oo si weyn looga Ciiday iyo xubno ka tirsan dowladda oo Shacabka la Tukaday (Sawirro)

Isniin, September 12, 2016 (HOL) —Dad-weynaha magaalada Bosaaso ayaa maanta u dabaal-degay munaasabadda Ciidul-Adxaha oo maanta si weyn looga xusay adduunka oo dhan ,iyada oo aad loo adkeeyay amniga goobihii lagu tukuday oo uu ku jiro garoonka kubadda Cagta ee Bosaaso.

Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso ayaa ka soo qayb-galay salaaddii Ciid-da ee maanta waxaana hambalyo kala duwan ay u direen dhamaan muslimiinta Caalamka ,mana jirin khilaaf ku aadan u dabaal-dagid-da munaasabaddan.

"Dhamaan muslimiinta adduunka ayaan la wadaagaynaa farxaddan ,waxaana dadweynaha gobolka Bari ugu baaqaynaa in ay si nabad-galayo ah ku ciidaan " ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari oo la hadlay boqolaal dadweyne ah oo ku  tukanayay garoonka Bosaaso.

Yuusuf Maxamed Wacays (DHADO) ayaa ka codsaday dadweynahii ciidayay in ay ka shaqeeyaan amniga ,isaga oo tilmaamay in ay jiraan dad-ku howlan samaynta falal amniga liddi ku ah oo uu sheegay in laga hortagi doono.

Duqa degmada Bosaaso Yaasiin Mire ayaa isna xusay in maamulkiisa uu ku howlan-yahay sidii uu mashaariic dhanka horumarinta ah uga hirgalin lahaa degmada ,waxaana uu dadweynaha ka codsaday in bilicda magaalada si wada jir ah looga shaqeeyo.

Ugu danbayn, qaar kamid ah dadweynihii ciidayay ayaa salaamo iyo hambalyo ku aadan munaasabadda Ciid-da u diray qoysaskooda ,waxaana indhaha qof walba ay qaban-karayeen dad weyne aad u faraxsan aad-na u labisan oo u soo baxay tukashada salaadda Ciidda.

Faysal M.Hassan
[email protected]