4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiaan oo laga oogay Maanta Salaadda Ciidul-Axda [SAWIRRO]
Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Kumanaan dadweyne ah ayaa
subaxnimadii hore ee saakay u dareeray masaajida magaalada Beledweyne, halkaasoo ay wadda jir ugu ogeen salaada Ciidu-Adxaa oo ah maalin ku weyn guud ahaanba marka la eego dunida muslimka.

Salaada kaddib ayeey culimadu bilaabeen in ay dadka wacdiyaan, isla markaana ku booriyaan in maanta oo kale leysku naxariisto, islamarkaana la kaalmeeyo dadka aan waxba heysan ee fuqurada ah, madaama ciidan tahay ciidii Gowraca ama Udxiyada oo inta badan la quudiyo dadka masaakiinta ah.

Markii laga soo baxay salaada ayeey dadku isku marxabeynayeen erayo ay ka mid ahaayeen ciid wanaagsan iyo kulu-aam-wa antum-Bikheyr, waxaana jira marti-qaadyo kala duwan oo qoysaska iyo asxaabtu isku fidinayaan.

Si la mid ah magaalada Beledweyne waxaa siddoo kale siweyn salaada ciida looga oogay maata degmada Buula-burte oo ah degmada labaad ee ugu ballaaran gobolka Hiiraan sidda ay HOL u xaqiijiyeen dadka degmada qaarkood oo aan xiriir la sameynay.

Ugu dambeyn, maalintii shalay ayeey aheyd markii malaayiin musliim ah isugu tageen buurta Carafo, halkaasoo ay waqti ku qaateen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya