4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
Ciidul Adxa oo aad looga dabbaal dagayo Islii, Nairobi Kenya Maanta

Isniin, Sitember 12, 2016 (HOL)-Maanta ayaa waxaa isugu soo baxay fagaareyaasha dad Muslimiin ah gaar ahaan Soomaali xaafada Islii si ay u tukadaan Ciidul Adxa.

Dadka oo khalikhi Ilaahay ahaa-macnaha aad u tira badnaa isuguna jiray qeybaha bulshada ee kala duwan ayaa buux dhaafshay garoomada iyo masaajida Islii si ay u tukadaan salaada ciida. Dadka ayaa waxaa kujiray rag iyo dumar da' waliba leh iyo carruur.

Dadka ayaa ku labbisnaa dhar qurxoon oo cusub ayagoo wajiyadoodana laga dheehan karay farxad aad u weyn. Maanta ayaa waxay ku beegan tahay maalinta banka Carrafo ee Makka la taagan yahay xujeyda wixii xajka aaday (waana Yowmul Akbar).

Muslimiinta meelo badan oo daafaha caalamka ahna waxay iidayaan ciida oo tukanayaan salaada ciida.

Culimaa u diin badan iyo mashaaikh ayaa ka hadlay halka shabakadaan Hiiraan Online ay xaadirka ku ahayd ee warkaan ay idiinkaga soo qabanaysay.

Waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii joogay fagaarahaa ciida lagu tukanaayay oo ahayd Eastleigh High School-Dugsiga Sare ee Islii xildhibaanka laga soo doortay degmada Kamakunji oo xaafada Islii ay ka tirsan tahay, Mudane Yuusuf Xasan asagoo khudbad halkaa ka jeediyay salaada ciida ka hor uguna baaqay Muslimiinta inay ku fara adaygaan kursiga baarlamaanka ee degmadaa asagoo sheegay in uu yahay kan kaliya ee Muslimiinta Nairobi ilaa hada ay leeyihiin.

Culimadii halkaa ka hadashay ayaa iyana ku baaqay in lais cafiyo oo Muslimiintu is cafiyaan kana faaiideystaan munaasabadaan ciida oo sidoo kalena cibaadada iyo sadaqada ay ku dadaalaan.

Maadaama ay maalin farax ay tahayna maanta oo kale wuxuu sheegay sheekhii khudbada Carabiga ahayd jeediyay in damaashaadka la ogol yahay balse ilaa xad cayiman isla markaana aan dembiyo lagu weyneyn balse si diinteena muqadaska ah ay ogoshahay.

Guud ahaan ayaa dadku aad uga badnaa intii ciiday ciid yareydii ama Ciidul Fitrigii aanu soo dhaafnay oo halka ciidaa hore garoonka Eastleigh High School uu waxoogaa nafaas lahaa tan maanta ushii kor loo tuuro aysan dhulka dhaceyn inay qof ku dhacdo maahee.

Sidoo kale ayaa guud ahaan waddooyinka Islii waxaa laga dareemayaa farxada iyo u dabbaal dagida ciida ayadoo Soomaalida iyo Muslimiinta halkaa jooga ay aad isugu hambalyeynayaan.

Goobaha kale ee maanta Nairobi lagu tukaday ayaa masaajida kasokow waxaa kujira Sir Ali Muslim Club ama Naadiga Muslimiinta ee Sir Cali iyo goobo kale oo ka tirsan xaafada Islii iyo xaafada South C iyo weliba Donholm.

Dhammaan Muslimiinta Caalamka, waxaan hadaan nahay barta wararka hufan idinka haqab tirta ee Hiiraan Online idiin rajeynaynaa ciid wanaagsan anagoo idin leh meel kasta oo aad joogtaan Ciid Mubaarak!  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Xaafada Islii
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]