4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
Madaxweynaha oo boqollaal dad ah kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga Islaamka (SAWIRRO)
Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max'uud ayaa Boqollaal Dadweyne ah Salaadda Ciidul-Adxa kula Tukaday Masaajidka isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho.

Waxaa Salaadda ciidda kasoo qayb-galay guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan golayaasha Dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah Madaxweyniyaasha Maamul-goboleedyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaadda, kaddib khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaaladda waddanka la xiriira, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada.

“Waxaa inagu soo fool leh shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa markii ugu horreysey ee madaxda Ururka IGAD ku kulmaan Somalia tan iyo markii la aasaasay 1986-kii,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in tallaabooyinka la qaaday ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirkan waxaa ka mid ah adkeynta amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray. Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan laamaha aamniga, waayo inta badan guulaha la gaarey suurtagal ma ahayn in la gaaro haddii aan shacabka laga helin gacan.

Dhanka kale doorashooyin taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay xaqiijinta inay doorashooyinkaasi qabsoomaan.

Doorashooyinkan waa tijaabo ama hal-beeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylka iyo weliba Horumarka aan ka gaarney dib u soo kabashada, Colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna guuleystey.

Mar uu ka hadlay dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka waa muhimadda koowaad ee aan ku soo shaqeyneynay afartii sanno ee la soo dhaafay, taas ayaana ugu weyneyd sababihii aan u abuurnay madasha hoggaamiyeyaasha qaranka.

Xasan ayaa xusay inay dhallinyaradu ka waantoobaan dadka caadeystay inay ummadda rajo la’aan dhigaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan ummadda u sheegeyn uu aamuska door-bido.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda, isagoo sheegay in shirka ay uga hadlayaan maslaxadda Somalia, isla mar ahaantaana marka la soo gabagabeeyo ka soo saari doonaa go’aamo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Ciiddan ayaa kusoo beegantay iyadoo inta badan Waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay u xiran yihiin Diyaar-garoowga Xukuumadda Somalia ay ugu jirto qabashada shirka IGAD.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya