4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
MAREYKANKA: Magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia oo maanta si weyn looga ciiday (Sawiro)


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia, ayaa Maanta si weyn looga dabaal-dagay xafladda Ciidul-fidriga, iyadoo Salaaddii Ciidda ay Kumannaan dad gaarayay ay ku tukadeen Garoon weyn oo ku yaallo agagaarka jidka Memorial Drive ee xaafada Stone Mountain ee Degmada DeKalb.

Muslimiintii ka qeyb-galay Salaada oo asal ahaan ka soo kala jeeday wadamo kala duwan, ayaa waxaa salaada ka bixiyay Imaamka Masaajidka Sunna oo ka mid ah Masaajidadii ugu horeeyay oo dad Soomaaliyeed ay ka dhiseen wadanka Mareykanka.

Salaadda kaddib, ayaa Imaamku wuxuu ka hadlay munaasabada Ciida iyo ahmiyada ay leedahay. Wuxuuna ugu baaqay Muslimiinta iney si wadaaan dadaaladii ay la yimaadeen bishii aynu soo dhaafnay ee Ramadaan.

Dhanka kale, dad aad u tiro badan ayaa iyagana saaka ku tukadeen Salaada Ciida Masaajidka Al Mu'miniin oo ku yaalo xaafada Clarkston ee isla Degmada DeKalb.

Ugu dambeyn suuqa ugu weyn ee Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Xaafada Clarkston ee magaalada Atlanta oo maalmihii aynu soo dhaafnay aad looga dukaameysaneyeen, ayaa maanta waxaa laga dareemay Ciida madaama ay dad badan iskugu yimadeen, isla markaasna ay qaarkood wateen Carruur da' yar oo si wanaagsan loogu soo labisay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]    
Atlanta, Georgia - Mareykanka