4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo Maanta Boqollaal Dadweyne ah kula Tukaday Gaalkacyo


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli  Maxamed Cali Gaas oo ay wehlinayeen Xubno ka tirsan Golayaasha Puntland ayaa kula Tukaday Maanta Salaaddii Ciidda Magaalada Gaalkacyo Boqolal dadweyne ah.

C/weli Gaas ayaa hombalyo u diray dhammaan shacabka Puntland, isagoo sheegay inuu ku faraxsan tahay in maanta uu si amni kula ciiddo shacabka Puntland sannadkiisii saddexaad ee uu hoggaminayo Puntland.

“Waxaan doonayaa in Anigoo ka faa’iidaysanaya fadliga maalintaan barakaysan ee ciidul-fidriga aan Hambalyada Ciidda u diro Shacabka Reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed oo aan iraahdo Ciid-wanaagsan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, ayaa shacabka Puntland meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inay adkaystaan ammaankooda, iyagoo la shaqeynaya laamaha kala duwan ee sugidda ammaanka ku hawlan.

“Cadowgeenu markii aynaan mideysnayn waa geesi, wuuna ka faa’iideystaa, markii aynu uga soo wada-jeesano hal meel oo aan Mideysan-nahay wuu baqayaa oo waa fulay,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne C/weli Gaas.

Ugu dambeyn, Madaxweyne C/weli Gaas ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Qalabka sida ee Puntland, kuwaasoo uu sheegay in la’aantooda aysan jiri lahayn Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland, Soomaaliya