4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Magaalada Kismaayo oo siweyn looga ciiday


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Guud ahaan muslimiinta caalamka waxa ay maanta u dabaaldegayaan munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga, taasoo magaalooyinka sida weyn looga xusay ee Soomaaliya ay kamid tahay magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka J/hoose.

Kumannaan qof ayaa salaadda ciidda ku oogay fagaareyaal kala duwan oo ku yaal Kismaayo, waxaana meelaha sida weyn la isugu soo baxay kamid ah garoonka kubadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo, Maxfalka ku yaal xaafadda Farjanno iyo qaar kamid ah masaajidda waaweyn ee magaalada.

Sidoo kale madaxweeynaha Jubaland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale ayaa salaadda ku tukaday xarunta Madaxtooyada Jubaland ee magaalada Kismaayo.

Saaka ayay magaalada ku waabariisatay jawi farxadeed, ayadoo fagaareyaasha lagu oogayay salaadda iyo masaajidda magaalada laga maqlayay dhawaqa takbiirta lagu weeyneeynayo Eebbe.

Garoonka kubadda cagta degmada Kismaayo ayaa waxaa khudbado kala duwan oo isugu jiray hambalyo iyo ku boorinta shacabka dhinacyada adkeynta nabadgelyada iyo horumarka ka jeediyay masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud Lugadheere.

Guud ahaan muslimiinta caalamka ayaa u dabaaldegaya ciidul Fitriga, ayadoo ay tahay maalin gaar u ah dadka Muslimka ah oo ay kusoo dhaweeyaan farxad iyo reynreyn.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.