4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
SAWIRRO: Muslimiinta Dalka Koonfur Afrika oo Maanta la Ciiday Muslimiinta kale ee Caalamka


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka South Africa ayaa Ciidul-fidrigan waxay uga duwnayd ciidihii kale ee la midka ahaa, iyagoo si Wadajir ah Muslimiin kala duwan ugula ciiday magaalada Johannesburg, waxayna ku Tukadeen ku Dhawaad 10,000 oo Ruux oo Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Jaaliyaddaha Bariga Afrika ka soo jeeda ee la dagan magaalada Johannesburg.

Golaha Culummada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika Al-bayaan ayaa Suuro-geliyay inay meel kuwada Tukadaan Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Muslimiinta ah ee la dagan, waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay munaasabaddan Mashaa'ikh kala duwan oo ka kala socday Jaaliyaddaha Koonfur Afrika.

Salaaddii ciidda kaddib, oo aan la dhex-marnay cod-baahiyaha Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, ayaa si farxadi ku jirto Waxay hambalyada Ciida ugu direen ehelladooda iyo Qaraabadooda ku kala nool Dunida daafaheeda.

Imaamkii Tujiyay Jaaliyadaha Muslimiinta Koonfur Afrika, Sh. Cali Towxiid ayaa isagana Hambalyada Ciidda la wadaagay Guud ahaan Ummadaha Muslimiinta ah ee Dunida, Gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ciiddaan oo Muslimiinta Koonfur Afrika uga duwanayd ciidihii hore, ayaa Xilligaan si Wadajir ah ula Ciiday Caalamka Islaamka, iyadoo ay Soomeen 29-maalmood halka Caalamka Muslimka laga soomay 30 maalmood.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika