4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
SAWIRO: Munaasabada Ciidul-fidriga oo Maanta laga Xusay Magaalooyinka Dalka Switzerland


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa maanta si weyn looga xusay gobollada Waddanka Switzerland, gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool iyo kuwa kale ee muslimiinta ah.

Wararka laga helayo Magaalooyinka waaweyn ee dalkan Switzerland, sida; Berna, Jeneve  Lugano iyo kuwa kale ayay muslimiinta Dalka Switzerland ku nool oo idil si weyn ay ugu dabaal-dageen Ciidul-fidriga, Muslimiinta Magaalada Zürich ku nool ayaa ayaa Saakay u dareereen degaanka Dietikon, halkaas oo ay Muslimiinta ku ballansanaayeen si Salaadda Ciidul-fidriga ay ugu Tukadaan.

Sidoo kale, Muslimiinta Zürich, ayaa iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumarba Waxay si farxad iyo Reyn-reyni ku jirto ugu wada ciideen Meelaha loogu talo-gay inay ku kulmaan.

Tukashada Saaladdii Ciidul-fitriga kaddib, Waxaaa Muslimiinta Khudbad dhincyo badan Ttaabanayso u jeediyay, Sheekh Magaalada, Wuxuuna si aad ah ugu dheeraaday qiimaha iyo fadliga ay maalinta Ciidda leedahay, isagoo ku boorriyay muslamiinta inay badiyaan ALLE ka cabsiga.

Dhanka kale, Waxaa fadliga Ciiddan Awgeed ay waaliddiintu carruurtooda geeyeen goobo loogu talo-galay in dhallaanka lagu cayaarsiisyo, iyadoo caawa waalidiiinta ay ku leeyihiin kulan casho ah, waxaana lagu casuumay xubno magaca ku dhex-leh bushada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, dhamaan intii soo abaabushay xafladda Ciidda lagu Xusyo, ayaa u rajeeyay Ummadda Muslimiinta ah oo dhan, gaar ahaan Soomaalida in ay Sannadkaan kiisa kale ku gaaraan barsh-bash, baraare iyo horumar.

Mustafa Bashiir Goobdoon
E-mail:
[email protected]
Zürich, Dalka Switzerland