4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Ciidda oo Maanta looga Dabaal-dagay Magaalada Cadaado oo ah Caasimada KMG ee ah Galmudug


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Degmada Cadaado oo ah Xarunta KMG ah ee Galmudug, ayaa maanta laga ciiday, Waxaana Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xashi Cabdi iyo qaar ka mid golayaasha ee dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa Salaaddii ciidul-fidriga kala qayb-galay Shacabka degmada Cadaado.

Maanta oo ah Maalinta koowaad ee ciidul-fidriga, ayaa dhammaan Mslimiinta Caalamku u dabaal-dagayaan, iyadoo Shacabka Galmudg mar qur ah ay u dabaal-dageen munaasabada Ciidul-fidriga, iyadoo aysan jirin wax khilaaf iyo dib u dhac ah toona.

Tukashada Salaadii Ciidda, ayaa shacabka iyo Madaxda dowlada waxay kuwada Tukadeen meel fagaare ah oo loo diyaariyay in Salaadda Ciidda lagu oogo.

Salaada kaddib, ayuu madaxweyne ku xigeenka Galmudug wuxuu shacabka Somaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda ciidul-fidriga, gaar ahaan shacabka Galmudug, isagoo ALLE uga baryay Sanadkaan Sanad kiisa kale ay farxad ku ciiddaan, wuxuuna kula dardaarmay in loo bahanyahay in dhamaan Ummadda Muslimiinta ah ee Soomaliyeed inay isku naxariistaan; si looga baxo dhibatada ka jirata somaliya.

“Maamulka Galmudug wuxuu ku talaabsaday horumar dhan walba ah, waana inaan dib loo celin oo aan meeshaan Sannadkan joogno sanadka danbe meel ka wanaagsan aan gaarno, si aan u gaarno halka aan hiigsanayno waa in aan Ammaanka xoojinno,” ayuu yiri Carrabeey.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa guud ahaan shacabka Galmudug ku Amaanay sida Wanaagsan oo ay isugu duuban yihiin, isagoo ka dalbaday inay Amaanka si isku mid ah wada adkeeyaan madaama la idin kaga bartay ilaalinta Amaanka Deegaannadeena oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya