4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan Somaliland oo Maanta si weyn looga xusay Ciida (SAWIRRO)

Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Guud ahaan Goboladda Somaliland, ayaa si weyn maanta looga ciiday, Ciidul-fidriga oo caalamka islaamka oo dhan laga ciidayey.

Saaka Aroortii ayaa Salaadda Sunaha ee labadda ragcadood ee salaadda Ciidda laga oogay garoomadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa, markii waajibaadkaadkaasi laga soo dareeray ayaa dadweynihii oo ku labisan qof waliba dharkiisa ugu quruxda oo ay wataan caruurtooda ayaa mar kaliya ku soo dareeray suuqyadda iyo wadooyinka magaaladda, waxaana dadweynuhu isku salaamayeen Ciid mubaarak iyo Macali ciideen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isna tukashaddii salaadda kala qaybgalay dadweynaha magaaladda Hargeysa, halka goboladda ay kala qaybgaleen wasiiradda Somaliland oo isku qaybiyey gobolada waaweyn.

Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa hambalyo u direy umada islaamka gaar ahaana umada reer somaliland meel kaste oo ay joogaan, waxaana uu ugu hambalyeeyey munaasibada ciidal-fidriga awgeed,sidoo kalena waxa uu madaxwaynuhu umadda reer somaliland ugu baaqay inay is cafiyaan.a

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo hambalyo udiraya shacabkiisa Somaliland, waxaanu yidhi “Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay inaan munaasibadda ciidal-fidriga awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin balaadhan dhammaan shucuubta islaamka, ee ku kala dhaqan dunida dacalladeeda, gaar ahaan waxaan si weyn u salaamayaa Ummadda Somaliland Lab iyo Dhadig, Qurba-joog iyo Qol-qol joog, Carruur iyo Cirroole intaba, waxaan leeyahay walaalayaal ku ciida ciid wanaagsan (Kulu-caam wa antum bikhayr), sannadkan sannadkiisa kale ILAAHAY ha inagu gaadhsiiyo bad-qab, bash-bash iyo barwaaqo.

Maanta waa Maalin weyn, waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa waajib inagu ah inaynu la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee ilaaheen inoo jideeyey.

Si aynu u helno deeq iyo dembi-dhaaf Alle, waxa waajib inagu ah ummad ahaan in aynu dhammaanteen isa-saamaxno, isu-uur samaano, carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhow oo way is qaniinaan. Sidaa darteed, waxaynu ka mid nahay aadamaha gafa ee dunuubta badani ka dhacdo. Haddaba waxa inagu waajib ah in aynu Allaheena weyn u noqonno, una toobbad keeno, isla markaana iska cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.

Waxaan ILAAHAY - ka baryayaa inuu inaga Aqbalo Ramadaankii, Salaaddii, Sakadii iyo Acmaashii Suubanayd ee aynu Sameynay Bishii Ramadaanka. Waxaan ALLAHA weyn ee qaadirka ah ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwii loo dambi dhaafay ee cadaabta jahanama laga xoreeyey bishii barakaysnayd.”

Waxaanu intaas ku daray “Maanta waxaynu joognaa qaran ahaan meel wanaagsan oo samo iyo sareedo weyn leh, taasoo in badan oo qayr keen ahi aanay inala qabin. Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda:

“Balaayo intii ay kaa maqan tahay qayr kaa ayay ku maqan tahay ” Waa Eebbe Mahaddii. ILAAHAY subxaanahu watacaalaa wuxuu inagu mannaystay gallado badan iyo nimcooyin aan la soo koobi karin.

Ummadda goobta ahi waata abaal-gudda, ee waa in aynu ka garownaa, Allaheenna uga mahad-celinnaa deeqdaa uu dusheena ku daadshey.”

Madaxweyaha oo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah eek u dagaalamay gobolka Sool, waxaanu yidhi “aniga oo munaasibadan ciidal-fidriga ka faa’iidaysanaya, waxaan mar labaad baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dhibtu ku dhexmartay deegaanka Dharkeengeeye iyo Dhumay.

Waxaan leeyahay, walaalayaal colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho ee joojiya dhiigga daadanaya iyo dhagarta dhexdiina. Waxa kaloo aan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan, isla markaana gacan siiyaan Ciidammada Qaranka ee ku kala dhex jira iyo Ergooyinka nabadeed ee gurmadka ugu tagay dhex-dhexaadintooda.

Sidoo kale, Waxaan bogaadinayaa Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka ka soo jeeda Gobolka Sool ee ka-qayb-qaatay dedaalka nabadoonka ah.Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ergada isugu jirta Salaadiinta iyo Xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ee gurmadka ku tagtay deegaannadaa mashaqadu ka dhacday, iyo cutubyada ka tirsan Ciidammada Qaranka ee nabad ilaalinta u jooga deegaannada Koonfurta Laascaanood.Waxaan ku guubaabinayaa in ay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana daalin hawsha islaaxa ah ee ay ka shaqaynayaan. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu ka abaal mariyo shaqadaa wanaagsan, miisaanka xasanaadkoodana ugu biiriyo.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C./raxmaan C/laahi Saylici ayaa isna dadweynaha kula tukaday garoonka weyn ee 31 May ee xaafadda shacabka, halkaasi oo uu dadweynihii ugu hambalyey ciidal fidriga awgeed.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga WADDANi mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta la tukaday boqolaal qof oo kamida shacab waynaha magaalada borama ee xarunta gobolka awdal.

Waxaana Guddoomiyaha la socday xubno kamida saraakiisha xisbiga WADDANI oo uu kamid ayahy gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga Axmed Muumin Seed, iyo Axmed Cumar Xaaji Xamarji iyo masuuliyin kale.

Waxaana masuuliyiintani ay shacabka reer borama ugu hambalyeyeen munaasibada ciidal fidriga awgeed, iyaga oo boqolaal dadwaynaha ahna kala qayb galay tukashada salaada ciidal fidriga.

Sidoo kale masuuliyiinta xisbiyadda kale, kulmiye iyo UCID ayaa iyaguna hambalyo u kala diray shacabka Somaliland iyo dunida islaamka Ciidal fidriga awgeed.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin
[email protected]
Hargeysa, Somaliland