4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2016
Sidii Looga Ciiday Xaafada Islii ee Nairobi Kenya

Arbaco, Luuliyo 06, 2016 (HOL)-Xaafada Islii ee Soomaalidu u badan tahay ee magaalada Nairobi Kenya ayaa maanta si wanaagsan looga ciiday.

Ciida oo ah Ciidul-Fitri ayaa maanta si fiican loogu dabbaal dagay dhammaan dalka Kenya, Nairobi iyo gaar ahaan xaafada Islii ayadoo shaly ay ahayd dhammaadkii bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaa yimid garoomada iyo masaajida rag, dumar, yar iyo weyn si wanaagsan u labisan oo dhar wada cusub qabay. Salaada Ciida ayaa garoomo badan oo waaweyn lagu tukaday. Mid ka mid ah garoomadaa lagu tukuday ciida saaka ayaa ah garoonka weyn ee dugsiga sare ee Eastleigh High School.

Garoonkaa oo aad u weyn ayaa dadkii ay buux dhaafiyeen. Takbiirta, saliga Nabiga (scw) iyo ducooyinka ayaan kala go' lahayn min bilow ilaa dhammaad ayadoo mashaaikh badan ay halkaa ka duceeyeen khudbadana ay kasoo jeediyeen.

Sidoo kale ayaa waxaa ay mashaaikhdaa iyo culimadii meeshaa ka hadlay kula dardaarmeen ummada Muslimiinta ah midnimada inay ku dadaasho iyo xiriirinta qaraabada ayagoo u rajeeyay Muslimiinta ciid wanaagsan iyo inay sanadkaan kiisa kale ku gaaraan wanaag ama kheyr iyo caafimaad.

Bartaan Hiiraan Online maamulkeeda iyo shaqaalaheeda hadaan nahayna waxaanu idin leenahay Ciid Wanaagsan; kullu caam wa antum bikheyr; Ciid Mubaarak!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.