4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Ciyaarihii caruurta da'da yar ee tartanka Somali Week oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Toronto

Axad, August 3, 2015 (HOL) - Waxaa la soo gabagabeeyey   caayaaro loogu tala galay caruurta da'da yar ee soo koraysa, laguna qabtay garoonka  Summerlea Park ee magaalada Toronto, Canada taariikhdu markay ahayd Julay 31 ilaa August 2, 2015.

Waxaa cayaaraha marti galiyey kooxaha ku midoobay African Canadian Soccer Club, waxaana ka soo qaybgalay 6 koox oo kala ah Ottawa, Ohio, Horseed, Semcay, Hilac iyo Muqdisho FC. Koox kastaba waxay la yimaadeen 2 teams oo dadoodu ka yartahay 12  iyo 14 sano (Under 12 & 14 yrs old).

Waxaa kale oo halkaas ka soo qaybgalay oo garoonka waalidin iyo taageerayaal aad u fara badan oo ka kala yimid magaalooyinka Columbus, Ottawa iyo Toronto, runtiina sadexdaas maalmood waqtigooda u huray, tusayna sida ay u garab taaganyihiin xoojinta mustaqbalka caruurtooda. Waa markii ugu horeysay oo waalidiin intaa la eg ay isgu yimaadaan magaalada Toronto.

Runtee koox kasta waxa muujisay cayaar wanaag, waxaana cayaarhii kama danbeysta ahaa isugu soo haray labada koox oo kala ah Ohio Youth  iyo Semcay (U12 & U14).  Waxaana halkaa koobkii loogu talagalay tartankii cayaaraha ku guulaystay kooxda Semcay.

 Waxaa kale oo labadaas koox cayaareen  U10, waxaana koobkaas qaatay kooxda Ohio.

Waxaa mahad, dheerigalin  iyo ku dayasho mudan macalimiintii waqtigooda qaaliga ah iyo dhaqaalahooda galiyey sidii ay u horumarin lahaayeen cayaartooydaas soo koraysa. Macalimiinta iyo tababarayaashaas ayaa waxaa ka mid ahaa:

Mohamed Faarah iyo Abdifitah (Atlanta) - Ohio Team

Kayse Ahmed, Saciid iyo Abdirisaq Shiino - Ottowa Team

Hassan harbi, Mohamoud Dhoore iyo Adan Awale - Horseed Team

Dahir Hussein Marshale, Dahir Boodaye, Omar Jaangoan iyo Jamal Dirie - Hilac Team

Anwar Tabit, Cumarey, Ahmed Geedi (John) iyo Haji Ciise - Semcay

Abdi fitah Hassan(Sette) iyo Farah Gure - Muqdisho FC