Axad, Abriil 22, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Richard Onyonga oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta Muqdisho ku yimaadeen booqasho ayaa waxay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Mr Onyonga oo kulanka kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya sidii ay Kenya safaaradeeda uga furan lahayd Muqdisho sidoo kalena uu kala hadlay amaanka dalka iyo hirgelinta Roadmap-ka.
"Ujeedada ugu weyn ee booqashadayda waxay ahayd sidii aan ugu wargelin lahaa madaxweyanha Soomaaliya in Kenya ay daneynayso inay safaaradeeda dib uga furto Muqdisho," ayuu yiri Onyonga.
Sidoo kale, wuxuu sheeagy in isaga iyo madaxweyne Shariif ay kawada hadleen hir-gelinta Roadmap-ka uuna madaxweynuhu u ballanqaaday in heshiiskaas la fulin doono, xasiloonida dalkana lasoo celin doono.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la hadlin saxaafada, waxaana kulanka oo ka dhacay xaurnta Villa Somalia uu socday muddo saacado ah, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo wasiir ku xigeenka Kenya uu Muqdisho booqasho ku tago.
Dhanka kale, wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya oo wax laga weydiiyay ciidamadooda ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inuusan ka hadlayn arimahaas, isagoo aan sheegin sabab uu uga gaabsanayo.
Kumannaan askarta Kenya ah oo horraantii bishan si rasmi ah uga mid noqoday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku sugan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo si iskood ah ula dagaalamayay Al-shabaab illaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya