Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo




Wararka Maanta - Jimco - Sept 30, 2005










·
· Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay wareegto uu xilka uga qaaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
· Maraakiibtii lagu heystay Biyaha Badda Deegaanka XararDheere oo la sii daayay
·












Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in khilaafka ka dhex jira Dowladdiisa uu ku dhamaan karo isla Dowladda dhexdeeda

Jimco, September 30, 2005(HOL): Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Barnaamijka KULAN GAAR AH ee ka baxa TV-ga Al-Jazeera ee xaruntiisu tahay Dalka Qadar ayaa sheegay in khilaaf ka dhex jira Dowladdiisa uu yahay mid lagu xalin karo isla dowladda dhexdeeda, isagoo meesha ka saaray in loo baahan yahay in ay xal u helidda khilaafkaas ku lug yeeshaan dad kale oo ajnabi ah.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in xubno yar oo dowladdiisa ku jira ay ka soo horjeedaan Siyaasadda Hoggaanka Dowladda Federaalka, wuxuuna rajeeyay in arrimaha la isku diidan yahay laga wada xaajoon doono, ugu dambeyntana heshiis laga gaari doono.

Madaxweynaha mar wax laga weydiiyay in ay argagixiso joogto Soomaaliya iyo inkale waxaa uu sheegay in ay joogaan Soomaaliya kooxo argagixiso ah, wuxuuna tibaaxay in kooxahaas laga takhalusi doono inta ay dowladda Federaalka ku guda jirto soo celinta Qarannimadii Soomaaliya.

Sidoo kalena waxaa la weydiiyay Madaxweynaha sida uu u arkayo Somaliland oo doorasho heer Baarlamaan ah ku jirta iyo Puntland oo iyadana uu u dhisan yahay maamul leh hab maamuus dowladeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay Madaxweynuhu in ay maamulladaas yihiin kuwo ka tirsan Dowladda Federaalka, isagoo carabaabay in aan xoog wax looga dayi doonin haddii ay ku madax ku adeygaan in ay gooni u sii taagnaanayaan.

Sida uu u arkayo sunta lagu shubayo Badda Soomaaliyeed iyo weliba xaalufinta lagu hayo deegaanka Bad iyo Berriba ayaa mar kale wax laga weydiiyay madaxweynaha, wuxuuna sheegay in ay arrintaas tahay arrin qatarteeda leh, isla markaana wax laga qaban doono marka baaris lagu hayo dadka ka dambeeya ay soo dhamaato, isagoo intaas ku daray in markii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland uu ka soo saaray arrintaas shuruuc wax looga qabanayo.

Sababtii Isgaarsiinta looga jaray Jowhar markii ay ciidamo ka yimid Puntland soo gelayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in arrintaas ay tahay mid wax laga weydiiyo shirkadaha Isgaarsiintaas leh oo sida uu yiri ah kuwo madax banaan, inkastoo uu tibaaxay in aysan meesha oolin sabab Isgaarsiin loo jaro bacdamaa ciidamadu ay ahaayeen kuwo Qaran.

Madaxweyne Yuusuf waxaa kale oo uu ka hadlay hubka sida sharci darrada ah ay meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ugu dhex wataan kooxo Maleeshiyooyin ah, wuxuuna sheegay in hubkaas ay dowladdiisa wax ka qaban doonto marka ay dhidibada u wada aasto Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Arrimaha muranka caasimadda ee u dhaxeeya xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka ayaa wax laga weydiiyay wuxuuna madaxweynuhu sheegay in aysan marka horeba jirin cid bedeshay caasimadda, dadka sidaasi lehna ay yihiin kuwo wax marin habaabinaya, wuxuuna carrabka ku dhuftay Madaxweynaha in caasimadda ay dowladda ku howlgeli doonto marka ugu horeysa ee wax laga qabto xaaladdeeda ammaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay wareegto uu xilka uga qaaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

Jimco, September 30, 2005(HOL): Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Dr. Maxamuud Maxamed Culusow ayaa sharci darro ku tilmaamay wareegto uu 24-kii bishan soo saaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, taasi oo tilmaameysay in xilkii Guddoomiyenimada Bangiga dhexe laga qaaday Dr. Culusow.

Dr. Culusow oo warsaxaafadeed ka soo saaray xilka ka qaadista lagu sameeyay ayaa sheegay in ay arrintaas tahay mid aan loo soo marin qaabkii Dastuuriga ahaa, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo ku xusnaa wareegtada Madaxweynaha oo xuseysay in uu u hoggaansami waayay amarro uga yimid dhinaca Ra’iisal Wasaare Geedi.

Dr. Culusow waxaa uu eedeyntaas isaga difaacay in aan jaanis loo siinin in xitaa uu sheego in eedeynta laga sheegayo ay tahay mid been abuur ah iyo in kale, wuxuuna caddeeyay in xil ka qaadistiisa ay imaan karto marka loo soo maro sharciyada u yaala Bangiyada iyo midka u degsan Dowladda Federaalka.

Dr. Maxamuud Maxamed Culusow oo Dowladdii Cartana ka soo ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa intaas ku daray in haddii la tixraacayo Dastuurka Federaala iyo Qodobka 6aad ee Bangiga Dhexe ee la soo saaray 1968-kii ay tahay xil ka qaadista madaxweynaha awood ku tumasho sharci darro ah, wuxuuna caddeeyay in uu weli yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee Bangiga Dhexe.

Dr. Culusow waxaa uu warsaxaafadeedkiisa sidoo kale ku sheegay in madaxweynaha tallaabada uu qaaday ay ahayd mid aan cid lagala tashan, isla markaana ay muhiim ahayd in la soo marsiiyo Golaha Wasiirrada, isagoo caddeeyay in uu xaq u leeyahay in uu diido amarro lid ku ah sharciga haddii ay xitaa ka soo baxaan cidda uu ka amar qaadanayo oo ah Ra’iisal Wasaare Geedi.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay baaraan xil ka qaadista lagu sameeyay oo uu ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyadoo sida uu yiri aan la soo raacin hannaankii la rabay, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka mas’uuliyiinteeda in ay dhowraan sharcigii lagu soo heshiiyay.

Dr. Culusow waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee Jowhar ku sugan ay u sahlayaan xubno ka tirsan Xukuumadda iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in ay qorsheeyaan Hannaanka Miisaaniyadeed ee Dowladda Federaalka, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/risaaq Cusmaan Juriile iyo Agaasimaha Maaliyadda iyo Maamulka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Ameeriko.

Dr. Culusow waxaa kale oo uu sheegay in intii uu jiray is-qabadkan dhexmaray isaga iyo mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka uu su’aalo ka keenay Bangiyo Shisheeye oo ay xisaabo ka furteen Waaxaha Dowladda, isagoo tilmaamay in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka codsaday in uu joojiyo arrintaas balse dhegaha laga fureystay wax ka qabashada waxyaabihii uu sheegay in ay qaldanaayeen

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maraakiibtii lagu heystay Biyaha Badda Deegaanka XararDheere oo la sii daayay

Jimco, September 30, 2005(HOL): Warar ku dhow dhow Ganacsatadii uu u rarnaa Markabkii Ibnu Batuta ayaa sheegaya in wada hadal muddo u socday Maleeshiyooyinkii Markabkaas qabsaday iyo ganacsatadii uu u rarnaa ay ugu dambeyntii isku af-garteen in la sii daayo Markabka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sidoo kale isna la sii daayay Markabkii MV Semlow, kaasi oo raashin mucaawino ah uu ku rarnaa muddo boqol maalmood ku dhow, iyadoo raashinkaasina loo waday dad ay waxyeello ka soo gaartay Badgariirkii Tsunami oo ku sugan deegaano ka tirsan Puntland.

Labada Markab oo aysan la socon wax maleeshiyooyin ah ayaa la sheegay in ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Dekedda Ceel Macaan, halkaasi oo looga rogi doono rarka saaran, iyadoo kadibna ay dib ugu laaban doonaan halkii laga lahaa.

Ilaa iyo haatan ma jiraan warar dheeri ah oo ka soo baxay waxa fududeeyay in la sii daayo labada Markab, iyadoo maleeshiyooyinka qabsaday markii cid ugu war dambeysay ay sheegayeen in aysan sii deyn doonin labada Markab, gaar ahaana midka MV Semlow uu noqon doono mid ay ku ugaarsadaan Maraakiibta soo mareysa halka ay isbaarada Badda u taalo ee Deegaanka Xarardheere.

Garaad Maxamuud oo Maleeshiyooyinkaas sheegtay in uu horjooge u yahay ayaa ku dooday in ay go’aankaas qaateen kadib markii maamulka Dekedda Ceel Macaan ay uga baxeen balamo ay wada galeen, isla markaana ay damceen in ay Badda ciidamo la geliyaan si ay ula dagaalamaan

Si kastaba arrintu ha ahaatee, warkan ku saabsan in la sii daayay Maraakiibtii lagu heystay deegaanka Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa aad ugu farxay dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maalmahan aad uga wel welsanaa cawaaqibka ka imaan kara haddii ay sii xoogeysato Isbaarada Badda loo dhigtay, tiiyoo weliba Dekedda Ceel Macaan ay tahay tan kaliya ee ay haatan ka soo degaan badeecooyinka kala gedisan ee dibadaha laga keeno.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Golaha Midnimada iyo Badbaadinta Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho uga dhawaaqay in uu qabanayo Shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu dhisayo Dowlad Islaami ah

Jimco, September 30, 2005(HOL): Shirweyne afar maalmood socday oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Midnimada iyo Badbaadinta Umadda Soomaaliyeed ayaa maanta gunaanadkiisii looga dhawaaqay in uu qabanayo shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu dhisi doono Dowlad Islaami ah.

Shirweynahan socday afarta maalmood oo ay ka qeybgaleen ergooyin gaarayay ilaa 250 xubnood oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dibaddiisa ayaa waxaa looga doodayay qodobo ay ka mid ahaayeen xaaladda uu dalka haatan ku sugan yahay, waxyaabihii bur buriyay dowladihii horay loogu soo dhisay Soomaaliya, waxa haatan hortaagan in dowlad kale la helo, waxa ay tahay argagixiso caalami ah iyo qodobo kale.

Qoraal laga soo saaray gunaanadkii shirkan ayaa lagu sheegay in golaha Midnimada iyo Badbaadinta uu ku baaqayo in shacabka Soomaaliyeed uu u diyaargaroobo shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu qabto dalka gudahiisa, iyadoo maanka lagu hayo sida qoraalka lagu xusay guuldarrooyinkii ku yimid shirarkii dibadda lagu qabtay, isla markaana laga tusaale qaadanayo dib u heshiisiinta iyo xasiloonida ay horseedeen shirar dib u heshiisiineed oo lagu kala qabtay dalka gudahiisa, gaar ahaan magaalooyinka Boorame (Somaliland) iyo Garoowe (Puntland).

Golahan ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee waxgal ah in aysan ka quusan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, isla markaana aysan goobta u baneynin cadawgooda, gacanna ay siiyaan cid kasta oo ku howlan wax ka qabashada xaaladda murugsan ee uu maanta dalka ku sugan yahay.

Qoraalka ka soo baxay shirweynaha maanta lagu soo gebageebayay magaalada Muqdisho ee uu soo qaban qaabiyay Golaha Midnimada iyo Badbaadinta Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa kale oo lagu xusay taageero loo jeediyay howlaha ay magaalada Muqdisho ka hayaan Maxkamadaha Islaamiga, iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna loogu baaqay in uu sii adkeeyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, halka lagu diiday qoraalkan in gebi ahaanba Soomaaliya la geeyo ciidamo shisheeye noocii ay doonaanba ha ahaadeene.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirweynahan dib u heshiisiinta ah ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho oo ay hor boodayaan Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Dalka Soomaaliya ayaa waxay qabashadiiisa ku soo beegmeysaa iyadoo ay dalka Soomaaliya ka dhisan tahay Dowlad Federaal ah oo lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee mudada labo sano ka badneyd loo fadhiyay dalka Kenya, inkastoo Dowladdii shirkaas ka soo baxday ay muddo sanad ah isku heysato Muqdisho Kursiga Madaxweynaha hala dhigo iyo la dhigi maayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online