Wararka Maanta Axad -Sept11, 2005 (Qeyb labaad)










·
·
·












Beelihii wada dhistay Isbaheysiga Dooxada Jubba oo Shir ku leh magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose

Axad, September 11, 2005(HOL): Siyaasiyiin, Waxgarad iyo saraakiil dhinaca ciidamada ah oo ka soo jeeda Beelaha Ceyr iyo Mareexaan oo wada dhistay Isbaheysiga Dooxada Jubba ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayaa waxay shir ku leeyihiin magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyayaasha Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo Shabeelaha Hoose Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo xubno kale oo beelahooda ka soo jeeda ayaa waxay ku sugan magaalada Baraawe, iyadoo shirkoodaas oo socon doona dhowr maalmood dib loogu eegi doono Isbaheysiga Dooxada Jubba tan iyo markii la aas aasay iyo arrimo kale oo aan la faah faahin.

Xubnaha gaaray magaalada Baraawe ee shirka leh ayaa waxaa laga magacaabay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale), Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde, Avv. Xasan Dhimbil Warsame, Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar, Salaad Cusmaan Rooble, Nuur Taqsiin, John Dhoorre, Jen. Axmed Warsame, Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba oo Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa mar uu ka hadlay ujeedada loo qabanayo shirkan waxaa uu ku sheegay danaha guud ee Isbaheysiga Dooxada iyo iskaashiga gobolladaas uu la leeyahay sidii loo horumarin lahaa, isla markaana dib loogu eegi xaaladda Isbaheysiga mudadii uu dhisnaa.

Col. Barre Hiiraale waxaa uu meesha ka saaray in ajendayaasha shirka ay qeyb ka yihiin heshiis la dhex dhigo isaga iyo Jen. Maxamed Saciid Xirsi Moorgan oo ay dhowr jeer horay ugu dagaalamay gacan ku heynta gobollada Jubbooyinka, iyadoo Isbaheysiga Dooxada Jubba-na la ogyahay in uu talada deegaanada uu haatan ka taliyo kala wareegay Jen. Moorgan.

Iyadoo xubnihii shirkan ka qeybgeli lahaa ay maanta soo wada dhameystirmeen ayay wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe sheegayaan in maalinta berri ah uu shirkaas si rasmi a u furmi doono, isla markaana uu socon doono dhowr maalmood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Hilibka Geela oo maanta ku yaraa Suuqyada Magaalada Muqdisho kadib markii ay Afgooye soo dhaafi waayeen Geel badan oo la kawaani lahaa

Axad, September 11, 2005(HOL): Hilibka Geela oo si weyn looga cuno maalin walba magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa maanta wuxuu noqday mid aaney dadku u heli karin sidii hore kadib markii Geel tiro badan oo laga keeni jiray gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana lagu gowrici jiray Kawaano ku yaala magaalada Muqdisho ay soo dhaafi waayeen Degmada Afgooye.

Sababta keentay in Geelaas uu soo dhaafi waayo Degmada Afgooye ayaa lala xiriiriyay iyado maamulka Degmadaas uu ku soo rogay lacag canshuur ah oo ay ka biyo diideen kooxihii ganacsatada ahaa in ay bixiyaan, iyadoo taasina ay keentay in ay ganacsato badan ay lacagtooda ku heystaan Muqdisho, halkii kuwii Geela soo iibsadayna ay Geeloodii dib u soofsadaan tan iyo inta laga qafiifinayo lacagta canshuurta ah ee la dul dhigay.

Geel aad u tiro badan ayaa habeen kasta qoorta looga gooyaa Kawaano ku yaala magaaalda Muqdisho, iyadoo taasina ay dhiirigeliyaan dadka oo aad u qabatima cunista Hilibka Geela oo ay siyaabo kala duwan u isticmaalaan, tiiyoo weliba uu ka mid noqday quudka lagama maarmaanka ah ee ay dadku manaafacaadsadaan waayo haddii maalin qura Suuqyada Muqdisho laga waayo amaba uu soo geli waayo Hilibka Geela waxaa laga dareemayaa dadka oo si weyn uga hadla.

Sidaasoo ay tahayna waxaa dhinaca kale jira dad aad u badan oo aan loo sheegi karin cunista hilibka noocii uu doonaba ha ahaatee. Dadkani waxay door bidaan in ay Kalluun cunaan halkii ay Hilib ka quudan lahaayeen, marka ay sidaas leeyihiin oo ay ka soo horjeedaan cunista Hilibkana waxay daba joogan sida ay ku doodaan talooyin ay siiyeen Dhaqaatiirtooda oo ku saabsan in cunista Kalluunka ay ka waxtar badan tahay cunista Hilibka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia







 




Taleefashinka Soomaaliyeed ee STN oo ku biiray kuwa Caalamka laga daawado

Axad, September 11, 2005(HOL): Taleefashinka Soomaaliyeed ee STN ayaa ku biiray TV-yada laga daawado Caalamka, iyadoo todobaadkii hore barnaamijyadiisa laga fiirsaday Satteliteka Arab Site2 oo qofka doonaya in uu daawado uu u baahan yahay kaliya in uu heysto reciever nooca Digital-ka ah.

Taleefashinkan oo horay looga daawan jiray dalalka Mareykanka iyo Canada oo u xirnaa inta badan Soomaalida ku nool labadaas dal ayaa haatan noqonaya mid meel kasta oo dunida ah laga daawado, waxaana si toos ah looga heli karaa jihadan: ARABSAT 2C 26. 2 DIGREE.East waana Digital, Frequence 3800, Horizental, Sample rate kana waa 27500.

Dadka daawaday barnaamijyada ka baxa TV-gan STN ayaa si weyn u amaanay, iyadoo ay ka howlgalaan wariyayaal ku kala sugan shan gobol oo ka tirsan Soomaaliya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, Yurub iyo Dalka Mareykanka, kuwaasi oo soo gudbiya dhacdooyinka sida weyn u khuseeya dadka Soomaaliyeed iyo Barnaamijyo maaweelo ah iyo weliba kuwo dhinaca Waxbarashada ah.

Taleefashinka STN ayaa si weyn loogu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa soo tebinta shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo dhisay Dowladda Federaalka, gaar ahaan Doorashadii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo dhaarintiisiiba, inkastoo soo tebintaas uu kala qeybqaadanayay TV-ga RTD. Si kastaba arrintu ha ahaatee Dadweynaha ku nool magaalada Mudqisho ayaa haatan waxay bilaabeen in ay raadsadaan qalab u sahlaya in ay daawadaan Channel-ka STN oo isagoo lacag la'aan ah ay ka heli karaan Arab Site-ka, tiiyoo ay u sii dheer tahay in luuqadda uu wax ku gudbinayo ay tahay midii Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 





Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online