
Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose
waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka waa weyn
ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku yaala
Xeebaha, waana xarunta gobolka Shabeelaha
Hoose.
Haddaba si aan ugu kuurgalno xaaladaha nabadgelyo,
caafimaad, Waxbarasho iyo nololeed ee dadka
ku dhaqan magaalada Marka ayaan dhowaan booqasho
ku tegay magaaladaas aniga oo la socday Hay’adda
Cilmi Baarista iyo Wada Tashiga CRD oo halkaasi
safar shaqo ku tagtay.
Muuqaalka Magaalada
Marka
Inkastoo ay tahay magaalo xeebeed yar hadana
marka aad eegto daaraha magaalada kuuma muuqanayaan
bur bur uga yimid dagaalladii sokeeye ee aafeeyay
magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya, dhismooyinka
magaaladana badankood waa kuwo qadiimi ah
oo marka aad dhex marto ku soo xusuusinaya
xaafado ka mid ah degmada Xamar weyne ee gobolka
Banaadir, gaar ahaan Xaafadda AW-Aweyska,
Koodka Xamar Weyne iyo Wadadii Via Roma.
Dhinaca Koofureed magaalada waxaa kaga xeen
daaban Badda, dhinaca Waqooyigana waxaa ka
heysa Buur muuqaalkeedu uu mucjiso yahay marka
aad eegto oo aad fuusho. Mar aan dul fuulnay
buurta dhusheeda ayaa naloo sheegay in buurto
ay tahay mid ay ku ganeen inkaarta asmada
loo yaqaanQomiyadda Biyamaalka xili ay la
dagaalamayeen Gumeystihii Talyaaniga.
Magaalada waxaa ku yaala dhowr xaafadood
oo aan ka xusi karo Howlwadaan, Horseed, Wadajir
iyo kuwo kale oo ku yaala faras magaalka,
waxayna dadka ku nool xaafadahanay yihiin
kuwo aan isu jeedin oo ku kala jeeda danahooda,
yacni sida dadka Muqdisho oo kale isma arkayaan
oo isma qoomayaan.
Magaalada waxaa ka howlgala Shirkado Isgaarsiineed
oo kala ah Hormuud, Telecom iyo NationLink,
kuwaasi oo qaarkood bixiya adeeg koronto sida
shirkadda Telecom oo kale oo bixisa koronto
24 saac ah. Sidoo kale magaalada waxaa warka
magaalooyinka kale iyo Adduunka u soo tebiya
labo Idaacadood oo magaalada Saldhigyo ku
leh, kuwaasi oo kala ah Horn Afrik iyo Shabelle,
waxaa soo wehliya Wargeysyada ka soo baxa
magaalada Muqdisho oo iyagu magaalada barqadii
gaara kadib marka la saaro gaadiidka ugu horeeya
ee Xamar ka taga.
 |
Nuur Cali Jimcaale (Si Naxariis leh)
waa ganacsade muddo 14 sano ah ku noolaa magaalada
Marka, wuxuuna ka hadlay qaabka dadka ugu
wada nool yihiinn magaalada Marka, "Magaalada
Marka waxaan deganahay muddo 14 sano ah, si
qaxootinimo ah ayaan ku imid, hayeeshee waxaan
u qeybiyay magaalada Marka xaafadaheeda seddex
qeybood (a) qeyb waa shidan tahay cawo iyo
maalin, dadkoodana waa isku dhex jiraan, haba
soo dhexgalo mid cuqdo qaba, aniga aragtideyda
cudurka Aidska waxaa ka daran qabiilka, aidska
waa ku dilaa, laakin qabiilka waa wax xun
oo uf ah. (b) xaafad maalintii indhaha ayay
isku heysaa habeenkii ayay shidan tahay, (c)
Xaafadna habeen iyo maalin indhaha ayay isku
heysaa geb waaye, intooda dhanna dad ayaa
ka buuxa, tusaale aniga waxaan deganahay xaafadda
Horseed habeen iyo maalin indhaha ayay isku
heysaa, dhulkeeda waa raqiis, ka gudub xaafadda
Ruusiya la yiraahdo maalintii waa densan tahay
dadkeedu habeenkii ay shaqeystaan, xaafadda
dhexe habeen iyo maalin waa shidan tahay dadkeeduna
waa isku dhex jiraan, kaalay arag sida ay
u nool yihiin, marka waxaa ku talo bixinayaa
in labada xaafadood ee kale ay ku daydaan
xaafadda dhexe ee isku dhafka ah, Soomaaliduna
sidaas ha yeelaano, guurkana hala badiyo si
dhibaatada u yaraato.".
Xaaladda Nololeed
Xaaladda Nololeed ee dadka ku dhaqan magaalada
Marka waa mid degan, maciishadda quutul daruuriga
ah waa raqiis, mararka qaarkoodna waxaa dhacda
in raashin ama badeecooyin kale oo laga keenay
Xamar ay ka qiimo jabnaadaan marka ay Suuqyada
Muqdisho yaalaan. Hotellada oo kale waa kuwo
qiimo jaban raashin iyo jiif marka aad isku
darsato 24-kii saac waxaa kuugu filan ilaa
50.000 Sh. So ah oo qiimo ahaan ka hooseysa
$4 Dollar.
Dadku waxay ka xoogsadaan oo ay noloshooda
ku tiirsan tahay Badda, Beeraha, Shirkado
iyo Hay’ado magaalada ka howlgala iyo
mehrado kale oo khaas ah, inkastoo ay jiraan
kuwo aan shaqo u foofin oo dibadda laga soo
biilo.
Xaaladda Ammaanka
Magaalada Marka Ammaankeeda 100% waa sugan
yahay, dadkuna waxay socdaan ama ganacsadaan
xiligii ay doonaan, ma arkeysid wax hub ah
oo magaalada lagula dhex socda, kaliya waxaad
rag hubeysan ku arkeysan iridka Saldhiga Degmada
Marka, kuwaasina ma ahan kuwo dhibaato u joogee
waa Ciidamo qaba labis u gaar ah oo nabadgelyada
magaalada sugaya.
In uu ammaanka sugan yahay waa kuu cadeyn
kara magaalada gudaheeda waxaad ku arkeysaan
Rag ka soo jeeda qowmiyadaha aan hubeysneyn
sida tan Banaadiriga oo magaalada ku dhex
heysta Taleefoonnada gacan qaadka ah, gaar
ahaan kuwa qaaliga ah oo weliba Volume-koodu
uu aad u dheer yahay, halka Magaalada Muqdisho
oo kale aysan xitaa dadka hubeysan sidaasi
yeeli karin oo cod Taleefoonka la iska xiro
ama Gariir la saarto (Vibrating Alert).
Yaa suga ammaanka Magaalada
Marka
"Ammaanka guud ahaan xasilintiisa dhib
badan ayaa laga soo maray, waxaana suurtageliyay
in ammaanku sugmo dadka deegaanka iyo ciidan
tababaran oo uu maamulku leeyahay oo mushaari
ah, kuwaasi oo u kala jira Mileteri, Boolis
iyo Asluub" sidaasi waxaa yiri Taliyaha
Saldhigga Degmada Marka Md. Maxamud Salaad
Siyaad (Sanjabiil) oo aan kula kulmay magaalada
Marka.
Md. Sanjabiil waxaa uu sheegay in ay magaalada
Marka ka mamnuuceen in hub lagu dhex wato,
iyadoo hubka yaalana ay yihiin kuwo ay diiwaangeliyeen
oo ay ka warqabaan, waxaana hubkaasi heysta
inta ganacsato iyo hay’ado ka howlgala
gobolka.
"Canshuur ma qaadno ee waxaan qaadnaa
lacag taakuleyn ah oo aan badneyn, taasi oo
aan ku celino isla dadka dhexdiisa, waayo
waxaan ku sugnaa ammaankooda, jidadka ayaan
ku dayactirnaa, bacaad celin ayaan ku sameynaa,
hay’adaha bulshada gobolka ayaan wixii
aan ka gaarsiin karno aan wax ka siinnaa"ayuu
yiri Taliyaha Saldhiga Degmada Marka Md. Maxamuud
Salaad Sanjabiil oo ka jawaabcelinayay su’aal
ahayd waxa ka jira in ay dadku ka qaadaan
lacago canshuur ah oo aaney awoodin.
Md. Sanjabiil waxaa uu beeniyay in Xabsiga
Degmada Marka uu yahay mid aaney maxaabiista
ku xiran heysan xuquuqdii ay u baahnaayeen,
wuxuuna arrintaas ka yiri "Xabsiga Gobolka
Hotel ayaad moodeysaa marka aad soo aragto,
maxaabiistu waxay leeyihiin Musqulo, wey meyrtaan
xiligii ay doonaan, Baasto iyo Hilib ayayna
cunaan".
"Hadda gobolka kama jiraan falal dilal
ah oo hub la isu adeegsaday, weyse jiraan
dhaawacyo ka dhashay Tooreey iyo Daqarro kale
oo la isu geystay, kuwaasina wey ka dhacaan
meel kasta oo ammaan ah oo dunida ka mid ah"
ayuu mar kale yiri Taliyaha Saldhigga Degmada
Marka Md. Md. Maxamuud Salaad Siyaad Sanjabiil
oo ka warbixinayay in ay dilal hub la isu
adeegsaday ka dhacaan Gobolka Shabeelaha Hoose
iyo in kale.
Muran kama taagna in maamulka Shabeelaha
Hoose uu xoog ku qabsaday gobolkaas, inkastoo
Sanjabiil uu ku doodayo in ay meesha geysay
Dowladdii Carta ee uu Hoggaaminayay C/qaasim
Salaad Xasan, hayeeshee waxaa u suurtageliyay
in uu sidan u xoogeysto isla markaana uu ammaanka
soo celiyo dadka gobolka oo ah dad nabadeed,
kuwaasi oo uu ka dhex saaray maamulka koox
yar oo dhibaato ku heysay.
Shiikh Maaxi Yuusuf Axmed waxaa uu ka mid
yahay dadka degmada Marka ku nool, gaar ahaana
wuxuu ka soo jeeda Qowmiyadaha meesha loogu
yimid, wuxuuna qabaa in maamulka gobolka Shabeelaha
Hoose uusan dalabkooda ku imaan oo uu iska
soo dul degay, hayeeshee wuxuu hadana qirayaa
in uu wax badan u qabtay, isla markaana ay
u duceynayaan mas’uuliyiintiisa.
Maamulka Shabeelaha Hoose ee xaruntiisu tahay
magaalada Marka waa mid ay Guddigiisa fulinta
ku jiraan inta badan beelaha ku dhaqan gobolka
Shabeelaha Hoose, inkastoo Qowmiyadda Banaadiriga
aysan wax awood ah ku lahayn, sida uu ku doodayo
Shariif C/raxmaan Maxamuud Dhega weyne oo
sheegaya in aan laga talo gelin maamulka gobolka,
walow uu hadana leeyahay "nabad buuxda
ayaan ku heysanaa gobolka, maamulkana raali
ayaan ka nahay".
Dhinaca Waxbarashada
Dhinaca Waxbarashada degmada Marka waxaa
ku yaala dugsiyo isugu jira Hoose, Dhexe iyo
Sare, kuwaasi oo ay maalgeliyaan Hay’ado
Carbeed iyo Mid Local ahaan u shaqeysa oo
lagu magacaabo Cosv, dhamaantoodna waxay dabooleen
baahidii waxbarasho ee gobolka, inkastoo ay
Jaamacadaha dadka gobolku u doontaan Magaalada
Muqdisho.
Xaaladda Caafimaad
Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa uu leeyahay
3 Isbitaal oo midka ugu weyn uu ku yaalo degmada
Marka, halka labada kalena ay ku yaaliin degmooyinka
Qoryooley iyo Baraawe, waxayna dhamaantood
daboolaan adeegyada caafimaad ee dadka gobolka
u baahan yihiin
Madaxa Caafimaadka Gobolka Shabeelaha Hoose
Dr. Cabdi Cabdulle Xirsi ayaa warbixin naga
siiyaya xaaladda caafimaad ee gobolka, wuxuuna
sheegay in Isbitaalladaas ay ka howlgalaan
dhaqaatiir joogto ah iyo kuwo aanan joogto
ahayn oo tiradoodu ilaa shan ay gaareyso iyo
weliba shaqaale caafimaad oo 80 ruux gaaraya,
kuwaasi oo mushaar ahaan loo siiyo lacag aan
badneyn oo dadka laga qaado" Muddo labo
sano ah ayaa laga joogaa markii hay’ad
Cusbitaalka Guud ee Degmada Marka taakuleyn
jirtay ay naga tagtay tan iyo xiligaas wixii
ka dambeeyayna waxaa howlaha caafimaadka ku
soo wadnay si la mid ah iskaa wax u qabso"
ayuu yiri Dr. Cabdi Cabdulle Xirsi oo intaas
ku sii daray in Isbitaalka Degmada Marka oo
ay kaalmeyn jireen Hay’adda Talyaaniga
ah ee Cosv iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
dibadaha ku nool uu sii shaqeyn karo toban
sano ee soo socota.
Marka laga soo tago seddexda Isbitaal ee
uu gobolku leeyahay waxaa jiro 11 MCH, 12
Xarumood oo ka yar MCH-yada iyo 3 xarumood
oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka TB-da iyo
weliba kooxo caafimaad oo guur guura, dhamaantoodna
waxay qabtaan adeegyada caafimaad ee ay dadku
u baahan yihiin.
Dr. Xirsi waxaa uu intaas ku daray in Isbitaalka
guud ee degmada Marka uu u dhameystiran yahay
qalabkiisa, wuxuuna leeyahay dhowr qeybood
oo kala ah: Qalliinka, Dawada, Dumarka, Caruurta,
Shubanka, Bukaan Socodka, Sheybaar weyn oo
casri ah, iyadoo ay yaaliin 100 sariirood
oo inta badan la jiifo 50 ka mid ah. Dadka
Isbitaalka daweynta loo keeno ayuu Dhaqtarku
sheegay in ay u badan yihiin kuwo qaba Cudurrada
Kuleylaha, Malaariyada, Dhiig karka iyo Sokorta.
Isbitaalka Marka waxaa kale oo uu leeyahay
qeyb wax lagu barto, waxaana sanadkii hore
lagu tababaray ilaa 100 Arday oo 60 ka mid
ah la siiyay shahaadooyin muujinaya in ay
kalkaaliyayaal caafimaad noqon karaan, waxaana
howlahaas waxbarista ah iska kaashaday Isbitaalka
Marka iyo Jaamacada Banaadir ee fadhigeedu
yahay Magaalada Muqdisho.
Xiligan aan ku aadnay gobolka Shabeelaha
Hoose wuxuu u ahaa mid uu jiilaalku si aad
ah u saameeyay, dhulka intiisa badanna wuu
oomanaa, iyadoo xoolaha iyo dadka Miyiga ku
dhaqanna ay ahaayeen kuwo abaarsaday oo caato
ah, isla markaana dhowraya Raxmadda Alle iyo
Roobkii Guga oo wax xoogaa aad moodo in uu
ka soo dib dhacay.
Si kastaba, Arrintu ha ahaatee, dadka ku
dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose raali ayay
ka yihiin maamulka uu hoggaamiyo Shiikh Yuusuf
Maxamed Siyaad (Indha Cadde), waxaana taasi
ugu wacan iyadoo uu u soo celiyay ammaankii
iyo kala dambeyntii, walow ay jiri karaan
dad caloosha cuqdo ugu haya oo hadana aanan
muujin waxa ay qabaan.
Salaad I. Xasan (Xiis)
Marka, Soomaaliya
E-mail: sxiis@hiiraan.com
|