Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in la helay Furihii Nabadda iyo Qarannimada Soomaaliya
Talaado, February 08, 2005 (HOL) @ 19:00GMT: Waxay ahayd soo dhaweyn si aad ah loo soo qaabeeyay oo ay soo diyaariyeen Taageerayaasha Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Inj. Xuseen Maxamed Caydiid, kaasi oo taageerayaashiisa ku sugan magaalada Muqdisho u soo faray farrin ah in ay soo dhaweeyaan wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan.
Dadweyne aad u fara badan oo luxayay caleemo qoyan ayaa waxay ku soo aruureen Xarunta Villa Somalia, si ay u soo dhaweeyaan guddoomiyaha baarlamaanka, una arkaan wafdiga dowladda cusub ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Xarunta Madaxtooyada ka daarnaayeen heeso lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa, “Marti maahid Mudanow, Hoo Midigta Mudanow, meesha aad joogtaan minankiini weeyaan” iyo ereyo kale ayaa waxay ku jireen heeso ay soo tebinayeen cod baahiyayaal lagu xiray Xarunta Villa Somalia.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa markaasi kadib waxay booqasho ku tageen xarunta Villa Somalia, isagoo maantana soo arkay halkii uu fariisan jiray Madaxweynihii Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, halkaasoo si wanaagsan loo daryeelayay mudadii bur burka, inkastoo sanadihii sagaashamaadkii uu ku howlgelayay Marxuum Maxamed Faarax Caydiid.
Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyay Madaxtooyadii Soomaaliya ku simaha Guddoomiyaha Isbaheysiga SNA Md. Abuukar Cusmaan Shiikh (Ganey) oo isagu sheegay in Isbaheysiga SNA uu mar walba diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo dowladda Soomaaliyeed, Isbaheysigoodana uu ku caan baxay xaq u dirirka, midnimada iyo dhowrista Qarannimada Soomaaliyeed.
|
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isaguna halkaas ka jeediyay hadal aan wax sidaas ah ka duwaneyn mid uu jeedinayay tan iyo intii uu dalka dib ugu soo laabtay, gaar ahaan markii uu shalay la hadlayay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, wuxuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka mar kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay Allaah u towbad keenaan hubkana iska dhigaan, “wax bani’aadan sameeyay qabyo lagama waayo, kaliya waxaa dhameystiran wixii Alle sameeyay, marka waxaan leenahay haddii ay qabyo yihiin wixii aan soo sameynay waxaan diyaar u nahay in la dhameystiro” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan oo sheegay in Dowlad caloosheeda ay weyn tahay, wax kastana ay qaban karto haddii ay shaqeyso, isagoo xusay in aaney jirin cid wax qaban karta haddii qofba meel istaagto.
Md. Shariif Xasan waxaa uu u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay oo uu kula hadlayay shucuur aad u sareysay, isagoo u ballanqaaday in marka ay dib u laabtaan ay mas’uuliyiinta dowladda ee Kenya ku sugan gaarsiin doonaan sida ay dadka diyaarka ugu yihiin in ay dowladda soo dhaweeyaan.
Intaas kadib Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu booqday Xaruntii Radio Muqdisho oo markii uu gudaheeda galay uu la yaabay sida loo xafiday, wuxuuna cagta mariyay dhamaan Studio-yada kala gedisan ee Idaacadda iyo weliba qolalka Keydka, iyadoo intii uu ku guda jirayna loo dhegeysiinayay heeso wadaniyadda lagu cabirayay.
Kadib waxaa uu booqasho ku tegay Xarunta dhexe ee Taliska Booliska Soomaaliyeed, halkaasoo ay warbixin ku siiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, iyadoo kadibna loo jiheeyay dhinaca dekedda weyn ee Muqdisho, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo isagu Dekedda gacanta ku soo hayay tan iyo markii ay maamulkeeda ku dagaalameen xoogag isku garbinayay in ay talada dalka qabsadaan.
Md. Furux waxaa uu u sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka in Dekeddu ay diyaar u tahay dowladda, howlgalna ay bilaabi karto xilli kasta oo loo baahdo, iyadoo arrintaas uu aad ugu madax ruxay guddoomiyaha baarlamaanka caddeeyayna in uu warbixintaas gaarsiin doono mas’uuliyiinta kale ee dowladda.
Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Khamiista dib ugu laaban doona magaalada Nairobi ayaa waxay xalay kulamo la yeesheen Madaxweynihii hore ee TNG-da Md. C/qaasim Salaad Xasan oo isagu la sheegay in uu talo wax ku ool ah u dhiibay Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo maantana ay Hotelka Ramadaan qado kula yeesheen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Cali Mahdi Maxamed, Dr. Xuseen Bood iyo kuwo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
|