Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee dalka "Canada" oo
ku bannaanbaxaday safaaradda Sacuudiga ee
magaalada Ottawa
Jimco, April 29, 2005(HOL) Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ku nool waddanka Canada ayaa si lixaad
leh isugu soo baxay bannaanbax loo soo horjeedo
dilkii lixdii dhallinyaro ee soomaaliyeed
ee bishii April 4teed surka looga jiray dalka
Sacuudiga.
Bannaabaxaan oo si xoog leh loo soo agaasimay
iskana kaashadeen dhammaan Ururada Soomaaliyeed
ee magaalada Ottawa ayaa wax uu ka hor dhacay
Safaaradd Sacuudiga ay ku leedahay magaalada
Ottawa.
In kastoo uu da'yey roob lixaad leh, haddana
waxba uma dhimmin bannaanbixii waxaana halkaas
ka muuqatay qiiro iyo qayladhaamo ba'an.
Bannaanbaxaan oo ka soo qaybgaleen dhallinyaro,
culumaaudiin, aqoon yahano iyo madaxda Ururada
kala duwan ee Soomaaliya. Dadweynihii ka soo
qaybgalay bannaanbaxaas oo watay Boorar ay
ku qoran yihiin halkudhigyo ay ka mid yihiin
" We Demand Answers Now",
" The Beheading of the six(6)
Somalis by the Saudi Government was Injustice",
"Saudi Kingdom of Killers"
iyo qoraalo kale oo aad ka arkidoontaan sawirada
laga soo qaaday bannaanbax.
Halkaan
ka dhageyso warbixinta Bannaabaxa - Cabdulkaidr
Guled
Lix dhallinyaro ah oo magacyadooda la kala
yiraahdo Cali Sheikh Yuusuf, CabdulFatarr
Cali Xassan, Cabdallah Adam Cabdullah, Xuseen
Haroon Maxamed, Cabdi-Nuur Maxamed Wali iyo
Cabdullahi Xasan Cabdul ayaa Bisha
Apriil 4teed qoorta looga gooyey ayaga oo
lagu eedeeyey howlo burcadnimo ah. Falkaan
ayeey aad uga xumaadeen Soomaalida ku nool
gudaha iyo dibadda waxayna u arkeen in dilkooda
uusan waafaqsaneyney Shareecada Islaamka iyo
qawaaniinta caalimiga.
Halkaan
ka fiirso sawiradii laga soo qaaday bannaanbax

The
Saudi Executions: Un-Islamic and Extra-judicial
Killing
FAIR
REACTION ON 6 SOMALI BEHEADING CASE IN SAUDI
JUSTICE SYSTEM
|